Ciidamadda Booliska Oo Hawl Gallo Ka Fuliyay Gudaha Laascaanood

0
494

Laascaanood (Dawan): Ciidamadda booliska Somaliland ayaa  labadii habeen la soo dhaafay waxay gudaha magaaladda Laascaanood ka fuliyeen hawl-gallo lagu sugayo nabadgeliyadda iyo amaanka magaaladda.

Hawl-galkaasi oo ay ciidamadu ka fuliyeen qaar ka mida xaafadaha magaaladda Laascaanood ayay ciidamadu ku soo qab-qabteen mukhaadaraadyo kala duwan iyo dadkii ka ganacsanayay.

Waxaana hawl-galkaasi hogaaminayay taliyaha ciidamadda booliska ee qaybta gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Gooni, oo ay wehelinayeen taliyeyaasha ciidamadda birmadka iyo taraafikadda ee gobolka Sool.

Taliye Gooni,   oo kadib markii hawl-galkaasi soo dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in  u jeedadda hawl-galkaasi ay tahay sidii amniga magaaladda loo sugi lahaa, isla markaana loola dagaalami lahaa waxyaabaha mukhaadaraadka ah.

Isagoo arrimahaas ka warbixinayayna waxa uu yidhi, “Hawl-gal ayay ciidamadda boolisku caawa  magaaladda ka fuliyeen. Ilaa lix baabuur oo ciidamo boolis ahi saran yihiin ayaana hawl-galkaasi ka qayb qaatay iyo saraakiisha hawl-gelinta, taliyaha ciidamadda birmadka, taliyaha ciidanka taraafikadda, iyo anigoo hogaaminayay.

U jeedka hawl-galkaasi waxa uu ahaa, in aanu magaaladda amnigeedda sugno. Khamri lama ogola, Xashiishad lama ogola, Toorrey, Qori iyo Budh in cid shacab ahi ay magaaladda la dhex marto lama ogola. Amniga ayaanan waxaas oo dhan ku adkaynaynaa.

Ilaa xalay iyo caawa, waana habeenkii labaad ayay ahayd. Waanu socon doonaa, insha ALLAAH. Waxaan doonaynaa in ciidanku uu amniga magaaladda gacanta ku dhigo, ciidankiina waan u haysanaa, gaadiidkiina waan haysanaa”.

Geesta kale taliyaha qaybta booliska Sool ayaa fariin u diray bulshadda magaaladda Laascaanood. “Kelmadda aanu dadweynaha u diraynaa waxay tahay, Qorri lama ogola in magaaladda lala dhex maro, Baastoolad lama ogola, waxyaabah mukhaadaraadka ah, iyaga warkoodaba daa. Waana la qabanayaa.

Bulshadda waxaan leenahay, hubkiina guryihiina ku haysta, oo yaanaan arkin cid shacab ah oo Qorri sidata ama Baastoolad sidata, ama nooc kaloo hub ah sidata, magaaladda yaanaan ku arkin. Cidii awaamiirta qaadan waydana ciidanka booliska way is arkayaan” ayuu yidhi taliye Gooni.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Dadweynaha reer Laascaanood waxaan leeyahay adkaynta amniga ka qayb qaata. Bulshadda reer Laascaanood-na waa dad aad u wanaagsan, oo way la shaqeeyaan booliska. Culimadda, cuqaasha iyo dadka waxgaradka ah, shaqadan booliska aad iyo aad bay ugu faraxsan yihiin”.

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply