“Xukuumadan maanta joogtaa fursado badan ayay siisay dhalinyaradda”…

0
411

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, ay tahay xukuumadda keliya ee dhalinyaradda siisay xilalka hogaaminta qaranka ee ugu badan.

Taasoo ay kaga duwan tahay dhamaanba xukuumadihii ka horeeyay ee soo maray xukunka dalka, isla markaana golaha wasiirrada boqolkiiba shan iyo afartan (45%) ay yihiin dhalinyarro.

Sidoo kalena agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha dawladda, haayadaha madaxa banaan ee dawladda iyo sidoo kale agaasime-waaxeedadda dawladda masuuliyiintoodu ay yihiin dhalinyarro.

Saleebaan Cali Koore, oo hadal ka jeediyay xuska maalinta dhalinyaradda aduunka oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxa  uu tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin xooga keliya ay ee Somaliland haysato.

Sidaas darteedna dhalinayarrada looga baahan yahay in ay ku baraarugsanaadaan sidii ay kaalintoodda uga qaadan lahaayeen sii xoojinta iyo horumarinta nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

Geesta kale wasiir Koore,  ayaa ka warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray dhismaha dawladnimadda Somaliland iyo doorka looga baahan yahay in ay dhalinyaradu ka qaataan sidii halka ay maanta Somaliland taagan tahay hore looga sii dhaqaajin lahaa.

Dhinaca  kale wuxuu sheegay in qaab qaldan ay dadkeenu u  fahameen dimoqraadiyadda oo ay ku soo celiyeen mid qabiil ku salaysan, isla markaana dhalinyarrada looga baahan yahay in ay wax ka bedelaan oo ku soo celiyaan dariiqa saxda ah.

Waxaanu hogo-tusaaleeyay in bulshadeena gaar ahaana dhalinyaradda looga baahan yahay in ay ogaadaan  macnaha ay dawladnimadu leedahay iyo qiimaheedda.

Daawo: Wasiir Koore Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply