Ilhaan Cumar oo 4-sano Dheeraad ah Xisbigeeda kusii mataleysa Aqalka Wakiilada Mareykanka

0
491

Minnesota (Dawan)_Ilhan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, isla markaana qaadatay dhalashada Dalka Mareykanka ayaa horumar muuqda ka sameysay tartanka Siyaasadeed ee dalkaas oo ay ka gaartay ilaa ay xubin ka noqotay Golaha Wakiilada (Congress).

Waxa ay gashay Doorasho, si ay markale Xisbigeeda xubin ugu noqoto Golaha Wakiilada, waxaana ka horeeyay doorashada xubnaha Xisbiga Dhexdiisa ah oo mar hore lasoo qabtay kuna guuleysatay.

Gobolka Minnesota oo dadka ugu badan degen ay yihiin Soomaali ayay codka ka heshay taageerayaasheeda, sida lagu dhawaaqay Natiijada Doorashadii dhacday, waxa ay taageerayaasha u ogolaadeen in ay difaacato Degmada 5-aad marka la gaaro doorashada guud ee November.

Waxa ay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaas oo dhammaantood u hanqal taagayay in ay meesha ka saaraan oo kursiga ay ku fadhiistaan.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayay Ilhaan la kulmeysay cadaadis xooggan iyo dhaleeceyn inteeda badan loogu jeedinayay baraha bulshada, kadib markii Madaxweyne Trump iyo Xisbigiisa ay cagta-cagta u saartay.

Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay hadal ay ku bogaadineyso guushaas ay hanatay iyo sida codka loo siiyay :

“Gudaha Minnesota, mar kasta waxa aan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay” Ayay ku tidhi qoraalka ay soo dhigtay Twitter.

Leave a Reply