Badhasaabka Sool Oo Baaq Nabadeed U Diray Beello Ku Dagaalamay Jidbaale

0
498

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa baaq nabadeed u diray lana beelood oo walaalo ah oo dagaal ku dhexmaray deegaanka Jidbaale ee gobolka Sool.
Waxaanu ugu baaqay madax dhaqameedka labadda dhinac in ay arrinta colaadda wax ka qabtaan, si aanu khasaare intaa ka badan u dhicin.
C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa sidoo kale baaqa nabadeed ee uu saaray waxa uu tacsi u diray eheladda dadkii dagaalka maanta ku geeriyooday.
Baaqa nabadeed ee badhasaabka Sool ayaa u dhignaa sidan:

“Waxaan baaq nabadeed ka diraya colaadda ka soo cusboonnaatay walaalaha dagaallamaya degaanka Ban-Cadde ee degaanka Jidbaale ee gobolka Sool. Waa nasiib darro dagaallada jufooyinka qaba’ilka walaalahan.
Waxaana dhammaan dhinacyadan si xushmad leh aan uga codsannayaa, kuna boorinayaa shuruud la’aan in rasaasta iyo dagaalka-ba ay u joojiyaan.
Waayo aragnnimo iyo khibrad inagu filan, waynu ka haysanaa, cawaaqibka iyo cidhib xumada Adduun iyo Aakhiro ee laga dhaxlayo dirriraha beelaha walaalo ah, oo Diinta, dhalashada iyo degaankaba wadaaga”.

Geesta kale badhasaabka ayaa si gaara baaq ugu diray waxgaradka iyo odayaasha labadda be3lood.
“Waxaan hal-doorka beelahan, iyo guud ahaan qaybaha kele ee bulshada Gobolka Sool ugu baaqayaa inay u istagaan daminta colaaddan, ka maamul Gobol ahaanna anagu waxaan ka halgalynaa dawrka nagaga aaddan. Waxkasta iyo juhdi walba waanu u huraynaa, sida la nooka bartay dhacdooyin noocana markay aloosmaan horey-ba sidan uga hawlgeli jirnay.

Waxaan tacsi u diraya qoysaska iyo helada dadka ku geeriyooday, iyagana Rabbi ha u naxariisto, inta ku dhaawacantay Alle ha u booga dhayo oo ha caafiyo”.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply