Shaqaaqadii Beelaha Ceel-Afweyn Oo La Soo Afjaray

0
502

Ceel-afweyn (Dawan): : Weftigii xukuumadda Somaliland ee hawlaha badaynta u jooga gobolka Sannaag ayaa soo gaba-gabeeyay arrimaha ay u joogeen degaanka Ceel Afweyn.

Waxaana maanta magaaladda Ceel-Afweyn lagu qabfay munaasibad loo qabtay soo afmeerida hawlihii nadaynta ee masuuliyiintaas ka tirsan xukuumadda Somaliland ku hawlanayd.
Taasoo ahayf arrimaha nabadaynta beelaha wallaaha ah ee wada dega degmada Ceel-afweyn.
Waxaana hadalo ka jeediyay Jiif Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed, Jiif Qaaqil Ibrahin Smaaciil Jaamac, Caaqil Siciid Ismaaciil, waxaanay sheegeen in arrimihii nabadayntu ku soo dhammaadeen jawi fiican.
Xubnihii madashaa ka hadlay waxay sheegeen inay kaalintooda ka qaadan doonaan sii adkaynta arrimaha nabada.

Gudoomiyha gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sanaag gaashaanle dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ka sii shaqayn doonaan hirgelinta arrimaha nabadaynta ee degaanka Ceel-afweyn.

Ururka dhalinyarada ee Nabad-doon oo ka dhisan gobolka Sanaag ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay masuuliyiintii xukuumadda Somaliland ee nabadaynta u joogtay degmada Ceel-afweyn, waxaanay sheegeen in mudadii ay gobolka ku sugnaayeen ay dadaal badan galiyeen sidii loo nabadayn lahaa beelaha wallaalaha ah ee wada dega degmada Ceel-afweyn.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxmed Kaahin Axmed iyo la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in dadaal dheer ka dib guul laga gaadhay arrimhii collaadaha ee ka jiray degmada Ceel-afweyn.

Sidoo kale masuuliyiintaasi waxay sheegeen in mudadii ay hawlaha nabadaynta u joogeen gobolka Sannaag ay ka hirgaleen mashaariic kala duwan oo kor loogu qaadayay kaabeyaasha bulshada.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply