Masuuliyiin Kormeer Ku Tegay Degmadda Laas-Geel Oo Roobab Waxyeeleeyeen

0
501

Laas-Geel (Dawan): Haayadda ka hor taga aafooyinka kaydka raashinka qaranka Somaliland ayaa raashin caawimo ah gaadhsiisay qoysas degan degmadda Laas-Geel.
Qoysaskaasi oo ah kuwo dan yar ah oo tiradoodu dhamayd 50 qoys ayay waxyeelo ka soo gaadhay roobabkii da’ayay maalmahan.
Iyadoo roobabkaasi ay guryo badan, dugsiyo waxbarasho iyo meello kale ay u gaysteen bur-bur iyo Saqafka oo ay dabayshu kala tagtay.


Guddoomiyaha haayadda kaydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaana raashinkaasi caawimadda ah gaadhsiiyay qoysaskaasi.
Guddoomiye Faysal Cali Sheekh, oo ay wehelinayeen wasiirka Jidadka Somaliland C/laahi Abokor, badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed, iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku soo maray goobaha ay waxyeeladda gaadhsiiyeen roobabkaasi.

Daawo: Kormeerka iyo Hadaladii Masuuliyiinta:


Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply