Laascaanood: Madax Dhaqameed U Socday Nabadayn Oo Shil Baabuur Galay

0
512

Laascaanood (Dawan): Xubno madax dhaqameed ah oo u sii jeeday deegaamadda Jidbaale iyo Lafoweyne ayaa xalay shil baabuur ku galay meel u dhaw degaanka Guumays ee duleedka magaaladda Laascaanood.
Madax dhaqameedka shilka baabuur ku dhacay ayay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen.

Kuwaasoo dhaawacyadoodda la dhigay cusbitaalka Manhal ee magaaladda Laascaanood.halkaasoo dhaawacyadoodda lagu dabiibayo.


Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaana maanta booqasho ugu tegay xubnahan madax dhaqameed ah ku dhaawacmay xalay shilka baabuur ku dhaawacmay.
Guddoomiye Jiidhe, ayaana mid mid u dul istaagay salaadinta dhaawacmay.
Isagoo ka waraystay xaaladahoodda caafimaad.
Daawo: Booqashadda Badhasaanka Ee Madax Dhaqamedka Dhaawacmay:


Dawannnews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply