Maxaa Laga Filan Karaa Maxkamada Sare Oo Loo Gudbiyey Caqabadii Saami Qaybsiga Doorashada Wakiillada?

0
104

Xeer no 20-2/2005 waa Xeerkii doorashadii hore ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland lagu gallay sanadkii 2005 , muran badan iyo murug saamiga ah awgeed ayuu Madaxwayne Daahir Rayaale u gudbiyey maxkamada sare ee jamhuuriyada Somaliland oo ah maxkamada dastuuriga ah ee dalka oo awood u leh tafsiirka shuruucda dalka.

Maxkamadu waxa ay soo saartay go’aan lagu galay doorashadii golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee dhacday 2005 taasi oo uu ku cad yahay qodobka 12naad ee xeerka doorashada Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland xeer no 20-2/2005 faqradiisa 1aad.

QODOBKA 12naad

Habka Qaybinta Kuraasida

1- iyada oo mudnaanta la siinayo danta qaranka ugu jirta taaba galinta doorashada awgeed , saamiga kuraasida goboladu ku yeelanayaan golaha wakiilada waxa doorashadan oo kaliya loo qaybiyey sidan;

1- Gobolka Hargeisa     20 kursi

2- Gobolka Togdheer    15 kursi

3- Gobolka Awdal          13 kursi

4- Gobolka Sanaag        12 kursi

5- Gobolka Sool             12 kursi

6- Gobolka Saaxil           10 kursi

Waxa qodobkaasi ku cad in xeerkani uu shaqeynayey kaliya halkaa mar oo kaliya , waxaana ay ahayd in xalka iyo waxa doorashada dambe lagu galayo uu golaha wakiiladu diyaariyo iyo xukuumadihii hore ee dalka soo hogaaminayey.

Waxa wax lala yaabo oo laga xumaado ah in 15 sanadood ka dib halkii la taagan yahay oo caqabadiina taagan tahay,  taasi waxa ay ka dhigan tahay ama u muuqanaysaa in aan diyaar  loo aheyn in la sameeyo xeer iyo qorshe ay umadani wax kuwada lahaato.

Waxa xukuumadan uu hogaaminayo Madaxwayne Biixi loo dhiibay banbo afka ka xidhan oo ay xalin wayday xukuumadii ka horeysay iyo golaha wakiilada ee fadhiya 15 ka sanadood,  sidaasi oo kale axsaabta qarankuna ka muquurteen mar Madaxwayne siilaanyo ku yidhi xal ka soo gaadha oo ay ka baqeen isla markaana aanay sharciyan aheynba hawl iyaga u taalla.

Maanta ayaa mar kale xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Xeerkii isku waydaarisay maxkamada sare ee dalka jamhuuriyada Somaliland, ka dib markii waxgaradka iyo aqoonyahanka Gobolka Awdal ka biyo diideen in ay sidii hore ku galaan.

Marka la eego xalka kaliya ee lagu wada qanci lahaa in uu ahaa in dalka tirakoob dadwayne laga sameeyo oo gobol waliba tirada dadkiisa ku goosto waxii ay kuraasi ka helayaan 82 kursi ee Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland,  sidaasi oo kale arinkani gobolada iyaguna aad u danaynaya se aan hadda hadal ee uu wax u soo kordhin karo waxa ka mid ah Gobolka Hargeisa iyo Gobolka Togdheer oo la rajaynayo labadaba in tiro u korodho marka la eego dadka ku nool.

Waxa la isweydiinayaa tolow maxaa laga filan karaa maxkamada sare ee dalka jamhuuriyada Somaliland oo la hordhigay arin adag oo dalka oo dhami ka maagay isla markaana aan la hayn xal rasmiya ama ku meelgaadh ah oo ay Somaliland isla qaadato si dalka dooraashooyin uga dhacaan.

Somaliland waxa dhibaato ku haya mudo kordhin oo nidaamkii dimuqaradiga ahaa ee dalku qaatay la kortay iyada oo la caadeystay waliba 99% sharciyada loo cuskado mudo kordhinta iyo xaaladaha lagu kordhiyaa aanay ahayn kuwa shuruucda dalka ku qeexan .

Marxaladaha maanta lagu jiro iyo caqabadaha jira ayaa ah qaar aad u kala fog iyada oo Somaliland ay joogaan goleyaal wada mudo dhaafay oo uu ugu horeeyo Golaha Guurtida oo la doortay 1997 kii mudo xileedkooduna ahaa 6 sanadood oo ilaa maanta oo ay ka soo wareegtay 23 sanadood fadhiya , sidaasi oo kale Golaha wakiilada ayaa la doortay sanadkii 2005 oo uu mudo xileedkiisu ahaa 5 sano ayaa iyaguna maanta jooga oo laga joogo xiligii la doortay 15 sano.

Sidaasi oo kale waxa iyagana ay mudo xileedkii la doortay ka dhamaatay Goleyaasha deegaanka dalka oo la doortay sanadkii 2012 kii mudo xileedkooduna ahaa 5 sano , xiligii la doortay waxa laga joogaa 8 sanadood oo waliba aanay jirin cid iyaga u kordhisay iyo sharci ay ku sii fadhiyaan toona.

Waxa intaniba kasii daran waxa ay 10 bilood oo kali ahi ka hadheen xiligii gudiga ururada iyo axsaabtu ku dhawaaqi lahayd in tartankii ururada iyo axsaabta Somaliland furan yahay si sanadka 2022 doorashada deegaanka loogu tartamo , waxa iyaguna werwer laga qabaa hadii ururada la furi waayo axsaabta siyaasada ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid waxa uu liisankooga xisbinimo ee 10 sadood kaga eeg yahay 2022 , oo waxii ka dambeeya ma ahaanayaan axsaab qaran.

Muxamed Dhimbiil

Mohamed Abdi Jama

Hargeisa,  Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here