Sool: Shir Lagu Heshiisiinayo Laba Beelood Oo Ka Furmay Degaanka Adhi-cadeeye

0
433

Adhi-Cadeeye (Dawan): Waxaa Khamiistii shalay deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool ka furmay shir nabadeed  lagu dhex dhexaadinayo laba beelood oo walaallo ah oo dhawaan ay deegaankaasi shaqaaqo ku dhexmartay.

Waxaana shirkaasi si rasmiya u furay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ay wehelinayeen taliyaha ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee aaga barriga sareeye guuto Cali Barre Xuseen, iyo taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool iyo saraakiil kale.

Sidoo kale waxaa shirka ka qayb gelaya Ergooyinka dhex dhexaadinta shir-nadeedkaasi iyo 34 xubnood oo ergooyin ah oo laga soo kala xulay labadda Ardaa ee hore dirirtu u dhex martay ee la heshiisiinayo.

Shirkan nabadaynta beelaha waxaa ka qayb gelaya ergooyin ka kooban 27 xubnood oo laga soo kala xulay beelaha kale ee gobolka Sool dega iyo sidoo kale 17 ergay oo kala metelaya labadda beelood ee la dhex dhexaadinayo.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo furitaanka shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wax kastoo go’aamo ah oo lagu heshiiyo oo shirkaasi ka soo baxa ay sidooda u fulinayaan.

C/qani Jiidhe, ayaa ku canaantay labadan beelood ee dirirtu dhex martay in ay ciidanka qaranku kala dhex taagan yihiin, isla markaana aanay garashadooda iyo caqligoodda ku kala joojin, taasoo uu ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah sharaftoodda iyo wada noolaanshiyahoodda.

Waxaa isna halkaas ka hadlay taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland ee aaga barriga sareeye guuto Cali Barre Xuseen, ayaa sheegay in ilaa iyo intii dirirtu dhex martay labadan beelood in ay ciidamadda qaranku kala dhex jireen.

Dhinaca   kale waxaa halkaas hadalo ka jeediyay xubno ka mid ahaa madax dhaqameedka labadan beelood dhex dhexaadinaya, kuwaasoo labadda dhinacba kula dar-daarmay in ay muujiyaan dabac-sanaan.

Waxaanay ku booriyeen in aanay wax kaloo dhibaato ah dhicin inta hawsha nabadayntu socoto, maadaama oo aan la soo celin Karin dadkii ku dhintay dhibaatadii hore u dhacday.

Garaadadii, cuqaashii, iyo madax dhaqameedkii kale ee furitaanka shirkaasi ka hadlay ayaa dhamaantooda rejo fiican ka muujiyay in hawlaha nabadayntu ay si wanaagsan ku soo dhamaan doonaan.

Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta iyo Madax Dhaqameedka Ee Furitaanka Shirkaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply