Deegaano Aan Loo Ogolayn Booqasho!

0
380

Aagga 51 waa magaca loo yaqaan dhisme sare oo Ciidanka Cirka Maraykanka (USAF) ay leeyihiin kaasi oo ku dhex yaalla Nevada. Deegaanka 51 ee ciidamada cirka ee dalka Mareykanka waa goob caan ah, oo aan hore loo shaacin , isla markaana aan loo ogolayn inay dad soo booqdaan. Hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa markii ugu horeysay qirtay jiritaanka goobtan sanadkii 2013-ka. Aagani   kama muuqdo Khariiradda goobaha dalka Maraykanka, waxaana loo qiray sbabo a xidhiidha amaanka.

Goobtan oo qiyaas ahaan 170 KM u jirta Las Vegas,  sanadkii 1958 waxa ay hay’adda atoomikada Mareykanka ka saartay goobaha dadweynuhu ay tagi karaan. Gidaarada goobtan waxa k uxeeran ciidamo, waxa kale oo aan loo ogolayn inay dayuuraduhu dulmaraan Aagan, haddii aan fasax loo siin.

Ma jiro cid si wanaagsan ula socota waxa ka socda gudaha xaruntan, iyadoo gidaarada goobtan marka Askarta laga yimaado uuku xidhan saligyo koronto oo dilaa ah, kaasi oo qofkii isku daya inuu gudaha  u galo dilaya. Xaruntan oo ay isku dhow yihiin saladhiga ciidan ee Nevada oo lagu tijaabiyay hubka nuyukliyeerka Maraykanka sanadii 1950 ilaa 1990.   Waxa ay ku fadhidaa dhul cabirkiisu dhan 3 milyan oo hectar.

Xaruntan waxaa ay u dhaw dahay saldhig milateri ee Nevada oo ah meel lagu tijaabiyay hubka nukleyrka Mareykanka intii u dhaxeysay sanadihii 1950 ilaa iyo 1990. Waxay ku fadhidaa dhul dhan saddex milyan oo hektar.

Annie Jacobsen oo wax ka qoray taariikhda saldhiggan ayaa BBC-da u sheegay in goobtaas ay ku rakiban yihiin qalab aad u horumarsan oo dowladda Maraykanka ay u adeegsado hawlaha sirdoonka.

Leave a Reply