Ninka Ugu xaragada Badan Afrika

0
673

James mainwanga waa nin u dhashay dalka Kiiniya oo aad u xarago badan, ninkan ayaa aaminsan inuu yahay ninka ugu xaraga badan Afrika iyo dunidaba.

James waxa uu leeyahay dhar aad u fara badan oo uu kala bedesho, saacado, suuman iyo xataa telefoono. Mar kasta waxa uu xidhan yahay lebis ka duwan kii uu hore u xidhay. James waa nin farxaan oo markii uu Nayroobi soo degay aan haysan dhar badan , laakiin waxa keliya ee uu haystay ahayd hal shaadh.

Wakhtigan oo uu dunida caan ka noqday waxa uu leeyahay 160 suudh oo kala midabo ah, 200 beer kabo ah, 300 koofiyadood, iyo qalimaan iyo mobile kala duwan. Waxa kale oo uu dhowaan xidhay gafuur xidho kala midabo ah.

Leave a Reply