Man United Fursad labaad loo Siiyay Inay la Wareegto mid ka mid ah Xiddigaha Juventus

0
404

Manchester United ayaa lagu waramayaa in la siiyay fursad labaad oo ay kula wareegi karaan xiddiga reer Argentina Paulo Dybala.

Red Devils ayaa ku guuldareysatay xagaagii la soo dhaafay isku daygeedii ay kula wareegeysay xiddiga Juventus laakiin waxay heystaan fursad labaad oo ay heshiiska ku dhameystiri karaan xagaagan.

 

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in kooxda heysata horyaalka Serie A inay ka fiirsan doonto inay iibiso Dybala haddii ay lacag badan ku helayaan,.

Man United ayaa ku qasban inay bixiso 90 milyan ginni haddii ay la soo wareegayaan kubadsameeyaha reer Argentina.

Dybala ayaa ku dhawaa inuu u wareego horyaalka Premier League xagaagii la soo dhaafay iyadoo ay xiiseynayeen kooxda Ole Gunnar Solskjaer iyo Tottenham.

26 jirkaan ayaa u muuqday mid aan laga dooneynin Turin, sidaasi darteed waxaa loo bandhigay saxiixiisa kooxo badan.

United ayaa xiiseyneysay markii hore laakiin waxaa heshiiska burburiyay dalabkiisa mushahar oo aad qaali u ahaa iyo inuu isagu diidanaa inuu ka tago Juventus.

Ka dib Juventus ayaa ka laabatay go’aankii ay ku iibineysay, waxayna go’aansadeen inay sii ceshtaan xiddigii hore ee Palermo.

Sannad ka dib, tababare Maurizio Sarri ayaa shaqada laga ceyriyay inkastoo uu Bianconeri ku hogaamiyay koobkoodii sagaalaad ee isku xiga ee horyaalka Serie A.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa waxaa shaqada tababare ka bedelay halyeeyga kooxda Andrea Pirlo.

Dybala ayaana ka mid noqon kara xiddigaha uu Andrea Pirlo ka dirayo Juventus xagaagan.

Manchester City iyo Real Madrid ayaa sidoo kale lala xiriiriyay weeraryahanka.

 

Leave a Reply