Wariyihii Sheegay in Cristiano Ronaldo Loo Bandhigay Barcelona oo Raaligelin Bixiyay

0
491

Cristiano Ronaldo looma bandhigin Barcelona laakiin kooxda La Liga ka dhisan waxay ka warqabtay kaliya inuu suuqa kala iibsiga yaalo xagaagan,.

Xiddiga Juventus ayaa ka tagi kara kooxda Serie A ka dhisan si uu tartan cusub uga raadsado meel kale. Waxaana la sugayaa in la arko waxa ku dhaca mustaqbalkiisa.

Khabiirka La Liga Guillem Balague ayaa shalay sheegay in Ronaldo loo bandhigay Barcelona isagoo yidhi. “Sababta Cristiano Ronaldo loola xidhiidhinayay PSG ma ahayn in PSG ay ku fekereyso inay hesho.

“Waxaa u sabab ah wakiilkiisa Jorge Mendes oo lagu amray inuu koox cusub u raadiyo Ronaldo. Waxaan aragnay arintaan lixdii bilood ee ugu danbeysay, waxaa lala xidhiidhiyay Real Madrid.

“Real Madrid waxay yidhi: ‘ma jirto fursad uu ku soo laaban karo’. Waxaa la hadal hayay horyaalka Mareykanka iyo kuwa kale. Sababtoo Juventus waxay dooneysaa inay mushaharkiisa meel kale isaga yeesho.

“Waa arin sidaas u weyn. Waxaa loo bandhigay meel walba oo ay Barcelona ku jirto. Ma hubo h addii ay Juventus si sahlan isaga diri karaan Ronaldo.

“Xaqiiqda waxay tahay inuu weli qaato 23kii milyan euro ee uu ka qaadanayay Real Madrid, yaa bixin kara lacagtaas?”

Warbaahinta ayaa si weyn u baahisay warka Balague iyagoo sheegay inay suurtogal tahay in Messi iyo Ronaldo ay hal koox u wada ciyaaraan, laakiin Balague ayaa qirtay inuu qalad sameeyay isagoo sheegay in Barcelona ay kaliya ka warqabtay in Ronaldo uu suuqa yaalo balse aan iyada si toos ah loogu bandhigin saxiixiisa.

Maqaal uu ku qoray jariirada Barcelona ka soo baxda ee Sport maanta ayuu ku yiri: “Muddo bilooyin ah agaasimayaasha kooxaha waa weyn ee Yurub waxay ka warqabeen in Juve ay dooneyso inay meel isaga yeesho mushaharka Cristiano Ronaldo, iyadoo labo sannadood ay uga harsan tahay qandaraaskiisa.

“Sidaasi darteed, waxaa lala xiriiriyay Real Madrid waqti sii horeysay, haatana PSG. Wakiilkiisa Mendes shaqadiisa ayuu qabsanayaa.

“Markii aan ka hadlayay BBC waxaan sameeyay qalad ah inaan sheegay in loo bandhigay saxiixiisa kooxda Barcelona bedelkii aan oran lahaa madaxda Camp Nou waa ay ka warqabeen inuu suuqa yaalo oo kooxaha kale loo bandhigayo saxiixiisa.

“Kaliya waa isbedel dhowr erey ah balse micnaha gabi ahaanba bedelaya, sidaasi darteed raaligelin ayaan ka bixinayaa”

Leave a Reply