Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda

0
536

Xanta suuqa kala iibsiga xagaaga maaha mid joogsata 24ka saacadood iyadoo warar cusub ay had iyo jeer ka soo kordhaan madaama ay kooxuhu suuqa ugu jiraan xiddigo ay ku sii adkeeyaan kooxahooda.

Hadaba waxaan soo uruurinay wararkii ugu danbeeyay ee ay warbaahinta Yurub ka qortay suuqa kala iibsiga xagaaga iyo heshiisyadii la dhameystiray saacadihii ugu danbeeyay.

 

Kooxaha Juventus iyo Arsenal ayaa labaduba doonaya inay la saxeexdaan xiddiga khadka dhexe Thomas Partey, laakiin Atletico Madrid ayaa u tilmaantay labada kooxood inay bixiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo gaadheysa 50 milyan euro. Gunners ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto xiddigan heshiis uu isbuucii ku qaadanayo 220 kun ginni, laakiin Thomas ayaa ka warqaba inuu si joogta ah uga ciyaari doono Champions League haddii uu iska joogo Atletico. (La Gazzetta dello Sport)

Kai Havertz ayaa noqon doona ciyaaryahan Chelsea ah todobaadkan. Bayer Leverkusen waxay ku dooneysaa xiddigeeda 100 milyan eyro halka Chelsea ay diyaar la tahay 80 milyan euro. (Kicker)

Jan Vertonghen ayaa qarka u saaran inuu heshiis seddex sannadood ah ugu wareego kooxda Benfica. Difaaca reer Belgium ayaa xor ah ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa kooxda Tottenham. (Fabrizio Romano)

Liverpool ayaan xiiseyneynin saxeexa Talles Magno inkastoo warbaahinta Brazil ay sheegeyso in xiddiga kooxda Vasco da Gama uu u wareegayo Anfield xagaagan. Talles Magno oo ah 18 weerarka ka ciyaara islamarkaana lagu tilmaamo ‘Neymarka cusub’ ayaa isa soo shaac bixiyay sannadkii la soo dhaafay markii uu saftay kulankiisii ugu horreysay Brasileirao.

Liverpool ayaa wadahadalo rasmi ah la furtay Bayern Munich iyagoo haatan qaaday tallaabadii ugu danbeysay ee ay ku dhameystiri lahaayeen saxiixa xiddiga khadka dhexe Thiago Alcantara kaasoo qandaraaskiisa Bayern Munich ay uga harsan tahay kaliya hal sanno. Reds ayaa dooneysa inay ku hesho lacag ka yar 30ka milyan ginni ee la duldhigay. (Bild)

Waxaa sarre u sii kacaya xiisaha Chelsea ee xiddiga khadka dhexe ee West Ham Declan Rice kaasoo isbuucaan gudaheed la kulmay labo halyeey oo Chelsea u soo ciyaaray John Terry iyo Didier Drogba, laakiin Blues ayaa ka carareysa qiimaha 80ka milyan ginni ee ay West Ham dulsaartay xiddigaan. (The Sun)

Willian ayaa la filayaa in 48da saacadood ee soo socda inuu si rasmi ah u noqdo ciyaaryahan Arsenal ah, isagoo maray tijaabada caafimaadka islamarkaana galay sawiradii lagu soo bandhigi lahaa saxiixiisa. (Sky Sports

 

Leave a Reply