Caado Diimeedka, Maskaxaha lagu Xukumo!

0
546

Sanad kasta maalin ka mid ah ayay bulshada Dogon ee reer Maali isugu yimaaddaan harada Antogo oo ay aaminsan yihiin inay barakaysan tahay. Dadka ka soo qayb gala ayaa ka mida dalka qaybihiisa kala duwan. Waxaana ay aaminsan yihiin inay tahay haro biyood

Bulshada oo tiradoodu lagu qiyaasay 400 – 800 kun inta u dhaxaysa ayaa leh dhaqanka, farshaxan alwaaxda ah, iyo dhismahooda. Waxaana ay ka mid yihiin goobaha ugu badan dalk,a Maali ee dalxiiska. Waxa kale oo bulshadani caan ku tahay iyagoo ka faaliya

Dadka kaluumaysatada ee yimaada waxay soo qaataan shebegyadooda, si maalintaasi ula soo baxaan kaluun barakaysan sida ay aaminsan yihiin.

Dhamaan dadka yimaadda ay ku soo urura hareeraha Harada, caruurta, dhalinyarada iyo raga weyniba iyagoo sita shebegooda oo loo sameeyay qaabka koorta iyo qalab kale ee ay kaluunka ku ugaadhsadaan ayay ka soo xaadiraan.

Caado diimeedkan looma ogola inay ka soo qayb galaan dumarku iyagoo aaminsan inay yihiin kuwo kharibaya oo aan nadiif ahayn. Dumarkaasi aan ka soo qayb gelin ayaa iyagana waajib ku tahay inay timaha tidcaan isla markaana tumaan Arbakhi xafladda ciidda ah awgeed.

Dhamaan marka la isugu yimaado ayay 400 oo nin oo laabtu qaawan tahay hal mar isku tuurayaan Harada, taasi oo loola jeedo inay bilaabaantay dabaal dega xafladda barakadu ka dibna dhamaan dadku ka soo qayb galay ayaa wada gelaya harada.

Haddana 15 daqiiqo ka dib ayaa rasaas la ridayaa iyadoo loo sheegayo inay xafladaasi dhamaatay, laakiin Kaluunka intii ay ku jireen uu qof kastaa soo qabsaday ayaa la isugu geeyaa shandad weyn oo harag ka samaysan , waxaana loo dhiibaa odayga ugu da’da weyn bulshada Bombo, kaasi oo si cadaalad ah ugu qaybiya dhamaan tuulooyinka bulshadan. Waxaana ay aaminsan yihiin inay tahay maalin barakaysan.  ( Source : amusingplanet.com)

Leave a Reply