Kursiga Xanuunka Badan Ee Xukunada!

0
394

Qaabka dadka lagu xukumo dilka  loo khaarajiyo ayaa dunida kala duwanaa qarniyo badan, qaarkood way deldeli jiray, kuwo kale kuraasi biro masaabiir ah leh ayay ku fadhiisin jireen, iyagoo qaarkoodan seefo ama midiyo ku dili jirtay, halka kuwo kalena ay daamur kulul dhex gelin jireen.

Lee Syuhu wuxu ahaa ninkii u horeeyay ee curiyay kursiga lagu dilo dadka waayadii hore ee xanuunka badanaa. Kursigan ayaa ahaa mid leh 1300 oo musbaar oo qofka lagu fadhiisiyo, kaasi oo jidhkiisa meel kasta ka mudi jiray, marka culayska qofku ku fadhiisto.

Kursiga ayaa hoos loo dhigi jiray si ay  masaabiirtu u wada mudaan qofka, iyadoo mark,a danbe uu qofku u dhiman jiray dhiig bax. Waxaana dad badan la yaabi jiray  qofka curiyay kursigan iyo sida uu u yahay mid aan naxariis iyo dareen damqasho lahayn

Waxase yaab iyo amankaag dad badan ku noqotay markii ninkii sameeyay kursigan aan naxriista lahayn isaga laftiisa lagu soo oogay khiyaamo qaran.

Waxaana lagu xukumay dil, iyadoo lagu fadhiisiyay kursigii uu isagu curiyay in dadka lagu khaarajiyo ka dib markii dawladda isku dheceen..

Kursigaasi uu curiyay ayay isagoo ku fadhiya naftu ka baxda oo ku dhiigbaxay, sidii kuwo ka horeeyay ee lagu fadhsiiyay ugu dhinteen. Dadka badankooda ayaa nacdali jiray marka ay arkaan sida kursigaasi dadka u gelaayo. Waxa fiican in curintaadu noqoto mid wanaag iyo waxtar u leh dadka.

Leave a Reply