Agaasimaha guud ee Wasaaradda Biyaha oo lugtii labaad ee horumarinta adeegyada Biyaha ku tegay Sanaag iyo Badhan

0
476

Tirada deegaamo uu ka dhagax-dhigay Mashaariic biyood iyo kuwo uu daah-furay

Ceerigaabo(Dawan)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha JSL Axmed Cabdi Ismaaciil oo booqasho howleed ku tegay gobolada Bariga Somaliland, ayaa mashaariic biyood ka dhagax-dhigay deegaamo ka tirsan Gobolka Badhan, halkaasoo uu ku tegay socdaal taariikhi ah.

Agaasimaha oo ay socdaalkan ku weheliyaan Saraakiil ka tirsan Wasaaraddiisa oo uu kamid yahay Agaasimaha Waaxda biyo-balaadhintu, ayaa sidoo kale u kuurgalay xaalada ilaha biyaha ee Gobolkaasi iyo Gobolka Sanaag oo uu maalmaha soo socda ka sii wadi doono dhagax-dhig iyo kormeer la xidhiidha xaalada adeegyada Biyaha ee Gobolkaasi.

Agaasime Axmed Cabdi Ismaaciil oo howlgalkan shaqo ka bilaabay gobolka Togdheer,kuna gaadhay ilaa cidhifka Gobolka Badhan, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaamada uu tegay oo ay kamid tahay Magaalada Dhahar, deegaanka Boodda iyo Xiin-galool oo uu ka dhagax-dhigay Mashaariic biyood.

Guddoomiyaha Gobolka Badhan Maxamuud Xaamud Cumar oo weftiga Agaasimaha Wasaaradda Biyaha ku qaabiley gobolkaasi, ayaa hadal uu ka jeediyey mid kamida munaasibadaha lagu daah-furay bilowga mashaariicdaasi, mahad naq iyo amaan uga jeediyey Agaasimaha Wasaaradda horumarinta Biyaha iyo weftigiisa, waxaanu sheegay in uu ka howlkarsan yahay agaasimeyaasha wasaaraddaha kale ee dalka.

“Agaasimuhu waxa uu shaqo ka soo qabtay Magaalada Dhahar, Magaalada Boodda, Xiin-galool, Baraagaha Qol iyo meelo kale. aad iyo aad ayaanu ugu mahad celinaynaa, waxaan odhan karnaa Agaasime Axmed wuxuu soo dhaliyey gool mihiim ah oo wax lagu qiimeyn karoba garan maayo, mar hadduu tegay cidhifkii ugu shisheeyey ee Somaliland”ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Badhan oo isagoo hadalka sii wata intaasi ku daray ” waxaan leeyahay agaasimeyaasha Wasaaradaha kalena waar soo dhaqaaqa oo dadka u adeegga”ayuu yidhi Guddoomiyaha oo tilmaamay in Agaasimaha Wasaaradda horumarinta Biyuhu horumarinta iyo waxqabadka dawladda ugu baalaleeyey socdaalkiisan.

Axmed Cabdi Ismaaciil, Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa ka waramay qorshaha Wasaaradda ee mashaariicda biyo-balaadhinta heer qaran, gaar ahaan kuwa laga bilaabay gobolada Badhan iyo Sanaag.

“Kolay deegaamadu qorshe ayey noo lahaayeen, meel kasta oo aanu hore u qorshaynay ilaahay SWT waa noo fududeeyey oo waa nagu asturay, maantana qaar badanbaanu soo qorshaynay oo baahiyihii gobolka Badhan ah, qaar kalena waxaan ka qorshayn doonaa gobolka Sanaag. wallow kale oo aynu furi doono oo ay kuwaasi ahaayeen kuwo lugtii hore ee aynu halkan soo marnay (Sanaag) dhagax dhignay oo aynu balanqaadnay ilaahayna inagu asturay”ayuu yidhi.
Agaasimaha oo hadalkiisa sii watay, ayaa bulshada ku dhaqan goboladaasi ku booriyey in ay lexejeclo dheeri ah u yeeshaan ilaalinta ilaha biyaha ee hantida qaranka lagu yagleelay.
Waxaanu yidhi”Markaa dadka waxaan ku boorinayaa hantida idin soo gaadhay waa hanti qaran oo xaqbaad u leedihiin in aad ka faa’idaysataan, laakiinse waajibku waxa weeye in aad ilaalisaan oo aad maamushaan oo aad munaafacaadsataan, annaguna kor-joogtaanu nahay wixii ka xumaada iyo wixii kale ee loo baahdaba”

Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee weftigiisu markii ay ku soo laabteen gobolka Sanaag, waxa ay kormeereen mashaariic ka socda deegaamo kamida gobolkaasi, kuwaasoo uu kamid yahay mashruuc ay Wasaaraddu ka wado Magaalada Dhoob oo gebogebo ku dhow.
Isuduwaha, wasaaradda horumarinta Biyaha ee Gobolka Sanaag Muxiyadiin Siciid Ducaale oo halkaasi warbixin ku siiyey weftiga, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo mashruuca deegaanka Dhoob.
“Mudane Agaasime Mashruucan Magaalada Dhoob waxa dhiman dhigistii beebka oo hadda la wado iyo Ceelkii oo wax ka dhiman yihiin intii kale waa dhamaystiran tahay” ayuu yidhi Isuduwaha oo tilmaamay in Agaasimaha guud markii labaad gobolka booqasho howleed ku yimi muddo siddeed bilood ah oo uu wasaaradda joogay “waxaan rajjeynaynaa in aan kormeerno mashaariic badan oo gobolka ka socda”.

Agaasimaha Waaxda Biyo balaadhinta, ayaa isna dhankiisa cadeeyey in Wasaaradda Biyaha ay ka go’antahay in ay deegaamada dalka oo dhan gaadhsiiso deegyada Biyaha, isla markaana madaxdeeda oo uu ugu horeeyo Agaasimaha guud ay dedaal ugu jiraan sidii loo heli lahaa mashaariic lagu hirgeliyo biyo-balaadhinta dalka.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Socdaalkan Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha oo ah lugtii labaad ee uu ku galaa bixiyo gobolada dalka, kaasoo qayb ka ah dedaalka ay wasaaraddu ku fidinayso adeegyada Biyaha, ayaa waxa intii aanu u gudbin gobolada Sanaag iyo Badhan waxa uu mashaariic ka sii furay deegaamo kamida gobolka Togdheer.

 

Leave a Reply