Laascaanood: lix arrimood oo sabab u ah in Wasiir Koore u Kuur-galo dareenka Shacabka?Fallanqeyn

0
635

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland Saleeban Yuusuf Cali (Koore) oo Magaalada Laascaanood ku joogga socdaal howleed oo la xidhiidha daminta shaqaaqo beeleed oo ka dhacday deegaamo ka tirsan gobolka Sool, ayaa dadka shacabka ah ee ku dhaqan qaybo kamida magaalada Laascaanood kula majaalisay goobaha laysugu yimaado ee suuqa,waxaanu si’ aan looga baran madaxda kale ee dhiggiisa ah dadweynaha wakhti kula qaatay meelaha dhalinyarada iyo waayeelku ku kulmaan,sida Maqaayada Shaaha iyo dariiqyada.

Wasiirka oo uu weheliyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Somaliland, ayaa isagoo lugaynaya dhex maray suuqyada Magaalada Laascaanood, una kuur-galay dhaqdhaqaaqa dhanka Ganacsiga iyo nabad-gelyada magaaladaasi, waxaanu sidoo kale wakhti ku qaatay goobo ay kamid yihiin Makhaayadaha Shaaha laga cabo, halkaasoo uu kula kulmay dadweyne kala duwan oo si diiran ugu soo dhaweeyey oo uu ka xogwaraystay xaalada nololeed ee bulshada.

Dad isugu jira Odayaal iyo dhalinyaro ay ka muuqato taageerada ay u hayaan Wasiirka oo intii uu xilka hayey iyo horeba arrimaha gobolka wax badan ka qabtay, ayey qalbi furan iyo dareen fiican ku soo dhaweeyeen dadweynuhu, waxaana la arkayey iyadoo ay qaarkood madaxa kaga maran yihiin oo ay dhunkanayaan.

Magaalada Laascaanood oo sanadihii u dambeeyey horumarr dhanka danta guud ahi ka socdeen, haddana sanadkan gudihiisa waxa ka dhacay dilal iyo falal kale oo lagu xidhiidhiyey argagixiso, waxaana inta badan dhacda in aanay madaxda dawladdu sida Wasiir Koore sameeyey oo kale u dhex gelin shacabka, iyagoo ka cabsi qaba in waxyeello loo geysto amma ujeeddooyin kale uga waji qarsada dadweynaha ay madaxda u yihiin.

Dhacdooyinkii u dambeeyey ee ka dhacay gudaha magaalada, ayaa sii kordhiyey dareenka cabsida ah ee jiray, halka ay caado soo jireen ah iska ahayd kala durugsanaanta madaxda iyo shacabku oo masuulka goobaha shacabka u dhawaadaa uu ahaa ka isagoo Gaadhi muraayaduhu u dalacan yihiin saaran dhex mara suuqyada.

Hase yeeshee talaabada Wasiirkani isagoo lugihiisa ku socda ku tamashleeyey suuqyada Laascaanood ayaa soo afjartay fikir kasta oo nusqaaminayey nabad-gelyada magaaladaasi iyo niyad wanaagga shacabka ku nool.

Muxuu sidan u sameeyey Wasiir Saleebaan Cali Koore?

1.Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleeban Yuusuf Cali Koore oo ah siyaasi xilal kala duwan soo qabtay tan iyo bilowgii dhismaha Dawladnimada Somaliland, lana soo shaqeeyey Xukuumaddihii ay hogaaminayeen Alle ha naxariistee Madaxweyne Cigaal, Daahir Rayaale iyo xukuumadda Kulmiye oo uu mar kale Wasiir ka noqday, kaddib toban sanno iyo dheeraad uu ahaa mudane ka tirsan golaha Wakiillada, ayaa waxa jira waxyaabo badan oo uu kaga duwan yahay madaxda dawladda ee gobolkaasi ka soo jeedda.

2.Waa Siyaasi fahamsan in xilka uu hayaa inuu yahay amaanno ay leeyihiin dadweynuhu, sidaasi darteed doonaya in uu ka shidaal qaato dareenka ka soo burqanaya quluubta shacabka.

3.Waa Masuul isku kalsoon, jecelna in uu xogogaal u noqdo xaalada bulshada ee aasaasiga ah, isla markaana doonaya in uu isku soo dhaweeyo dawladda iyo shacabkeeda.

4.Waa Siyaasi daacad u ah dalkiisa, halgana ugu jira in mar uun la soo afjaro farqiqa u dhexeeya Bulshada ku dhaqan gobollada uu ka soo jeedo iyo Dawladda uu ka tirsan yahay ee sanadaha badan tabashadu dhex taallay, isagoo marar badanna kaga khudbadeeyey deegaamo ka tirsan gobolka Sool weedho uu shacabka ugu muujinayo sababta ay uga qatan amma uu suququlka ugu yahay horumarka ka socda gobolada kale ee Somaliland.

5.Waa masuul fahamsan in quluubta shacabka lagu kasbado u dhawaanshiyo iyo isu-dhul-dhigid, tusayana in aanu xilku ahayn wax ka maanacaya in uu danyarta kula shaaheeyo Maqaaxiyaha.

6.Wasiir Saleeban Yuusuf Cali Koore, waa Nin han siyaasaddeed oo ka sareeya Wasiirnimo iyo xillal hoose oo kale ka leh Siyaasadda Somaliland, isla markaana u muuqda in uu higsanayo heer madaxweyne.

Ugu dambeyn, waxa lagu fasiran karaa in uu doonayo inuu tirtiro amma uu meesha ka saaro afkaarta laga aaminsan yahay magaalada Laascaanood ee xagga nabad-gelyo darrada, taasoo ah in uu yahay siyaasi aragti dheer oo lexejeclo badan ka qaba mustaqbalka wanaagsan ee Laascaanood iyo guud ahaan gobolada Bariga oo dhan.
Halkan ka Daawo Muuqaal:

Qore. Saleeban Kalshaale

Leave a Reply