Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo Saddex Carruur ah ka soo Samata Bixiyay Buur Halisa

0
641

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta Buurta Xaarisa oo ku taala waqooyiga magaalada Hargeysa ugu baxay hawlgal Samata bixina kaas oo ahaa saddex carruura oo dusha uga baxay Buurta dusheeda, isla markaana ay ku adkaatay inay ka soo degaan buurta, maadaama oo hoosteedu ay qodantantay Joog aad u dheer.

Ciidamada ayaa markii Hawl-galkaa lagu soo wargeliyay si degdega ugu baxay, waxaana Ilaahay ku guuleeyay in Caruurtaas la soo samatabixiyo iyadoo ciidanku adeegsanayo Xadhkaha Badbaadada ( Rescue Lines) iyo xirfadaha kale ee samatabixinta.
Buurtan ayaa hoosteeda uu ahaa God aad u dheer, kaasoo halis ku ahaa caruurtaasi inay ka soo dhaadhacaan buurta.

Ugu dambayn ciidanka ayaa caruurtaas ku wareejiyay waalidiintoodii, waxaana halkaas mahadnaq ciidanka uga jeediyay Waalidiintii Caruurtaas dhashay.

Ciidanka Dabdemiska Somaliland wuxuu farayaa Bulshada inay Ubadkooda ka ilaaliyaan goobaha khataraha keeni kara sida Balliyada, Dooxyada, Buuraha iyo wax kasta oo halis abuuri kara.

Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab ama u baahato gurmad badbaado la soo xidhiidh 990 lambarka gurmadka degdega ah ee Ciidanka Dabdemiska.

Leave a Reply