Xukuumadda Somaliland Oo Dugsi Waxbarasho Ka Hirgelisay Degaanka Macaaneeye

0
451

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland , Guddoomiyaha Gobolka Saaxil  iyo guddoomiyaha degmada Mandheera ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray dugsi cusub oo  laga hirgeliyey degaanka Macaaneeya.

Guddoomiyaha degmada Mandheera Cumar Cali Xuseen oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee dugsigani soo maray, waxaanu u mahadceliyey Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo iyadu dugsigan ka hirgelisay degaankaas.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi  iyo Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolka Saaxil Ibraahim Digaale Maxamed oo iyaguna goobtaas ka hadlay ayaa ku booriyey dadka degaankaas in ay ilaashadaan dugsigan loo dhisay ,waxaanay tilmaameen in dugsigani muhiimad weyn u lee yahay dadka degaanka Macaaneeya degan.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diirye (Toorno) oo isna goobtaas ka hadlay ayaa dadka degaankaas ku dhiirigeliyey in ay ilaashadaan, isla markaana ka faa’idaystaan dugsigani loo dhisay.

Dadka degaanka Macaaneeya oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyey xukuumadda Somaliland dugsigan loo dhisay.

Leave a Reply