Biden oo Aqbalay Musharraxnimada Madaxweyne ee Xisbigiisa

0
510

Newyork-(Dawan)-Joe Biden, oo muddo ku dhow nus qarni ku dhexjiray siyaasadda Maraykanka ayaa habeenkii xalay aqbalay musharraxa madaxtinimo ee xisbiga Dimoqraadiga uga qeybgali doona doorashada 3-da November.

Biden ayaa khudbad ka jeediyay shirweynaha xisbiga Dimoqraadiga oo sannadkan ahaa mid dhinaca TV-yada iyo internet-ka oo kaliya laga daawanayay sababo la xidhiidha xanuunka COVID-19.

Biden wuxuu khudbadiisii dadka Maraykanka ugu sheegay inay tahay waqtigii la tuuri lahaa ama xilka laga qaadi lahaa Madaxweyne Donald Trump oo 3 sanno iyo bar xilka soo hayay.

“Inagoo isku duuban waan ka adkaan karnaa xilligan mugdiga ah,” ayuu Biden ku yidhi khudbaddiisa. Mareykanka waxaa fara ba’an ku haya xanuunka coronavirus, iyadoo malaayiin qof-na ay xanuunkaasi dartiis shaqo la’aan u noqdeen.

Biden wuxuu ku dooday in madaxweyne Trump “uusan qaadin mas’uuliyadda” faafintaanka cudurka isla markaana uu “diido inuu hoggaamiyo.”

Biden wuxuu sheegay in ilaa wakhtigan aanu “madaxweyne Trump lahayn wax qorsho ah” oo lagula dagaallamo xanuunkan coronavirus. Joe Biden wuxuu yidhi Trump “wuxuu ku guuldareystay inuu difaaco Mareykanka… taasina waa wax aan la cafin karin.”

Khudbadda Biden wuxuu uu ka jeediyay xarun ku taal magaaladiisa Wilmington, ee gobolka Delaware, waxayna khudbadiisu gabogabo u ahayd shirweynaha Dimuqraadiga oo laga soo jeediyay khudbado toos ah iyo kuwa la sii duubay oo lagu amaanayo Biden iyo kuwa lagu weeraray madaxweyne Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa isna toddobadka danbe wuxuu jeedin doonaa khudbad uu ku aqbali doono musharraxa madaxtinimo ee xisbiga Jamhuuriga.

Leave a Reply