Guddida Wanaag Farista oo Bulshada uga Digtay Falalka wiiqi kara Midnimadooda

0
430

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha guud ee guddiga wannaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi iyo  guddoomiye ku xigeenka guddidaas Sheekh Ismaaciil Cabdilaahi Jaamac, oo u waramaayay idaacadda Radio Hargeysa, ayaa shacabka Somaliland ku baraarujiyay inay kor u qaadaan cibaadada iyo arrimaha khayrka u leh.

 

Masuuliyiinta guddida wanaag faristu waxa ay dadka u soo jeediyeen inay ka dheeraadaan arrimaha dhibaatada ku ah noloshada iyo wada jirka bulsahada, sida isticmaalka maan dooriyeyaasha iyo falalka wiiqi kara midnimada iyo wada jir kooda.

 

Ugu dambayn Guddoomiyaha guud ee guddiga wannaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi guddoomiye ku xigeenka guddidaas Sheekh Ismaaciil Cabdilaahi Jaamac, ayaa masuuliyiinta guddida wanaag farista ee gobolada dalka u soo jeediyeen inay kor u qaadaan wacy’gelinta iyo ku baraarujinta ummadda arrimaha khayrka u leh.

Leave a Reply