Xukuumadda oo Todobaadkan dib u Dhisaysa Dugsiyadii Duufaanadu Waxyeelada Soo Gaadhsiiyeen

0
499

Sallaxley-(Dawan)-Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadka dib u dhisaysa dugsiyadii ay duufaanadu waxyeelada gaadhsiiyeen gaar ahaan kuwa degmada Sallaxley.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diirye (Toorno) oo shir jaraa’id ku qabtay dugsiga hoose/dhexe ee degmada Sallaxley  ayaa sheegay, in todobaadkan la bilaabayo dhismaha dhammaan dugsiyadii duufaanadu waxyeelada soo gaadhsiiyeen ee ay ka mid yihiin dugsiyada degmadan Salaxley. Isla markaana, la dedajin doono dhammaystirkooda si aanay ardeydii wax ku baran jirtay waxbarashadu uga kala go’in.

Leave a Reply