Hargaysa: Taliyaha Booliska Oo Xadhiga Ka Jaray Saldhiga Xaafadda Sheekh Nuur

0
568

Hargaysa (Dawan): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa maanta xadhiga ka jaray dib u habayn lagu sameeyay saldhiga booliska xaafadda Sheekh Nuur ee degmadda Gacan Libaax ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana taliyaha ku wehelinayay xadhig ka jarista saldhigaasi boolis maamulka degmadda Gacan Libaax, saraakiisha booliska ee saldhigaasi.
Guddiga nabadgeliyadda degmadda Gacan Libaax iyo odayaasha xaafadda Sheekh Nuur.
Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Daba-gale, oo halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay saldhigaydda boolisku u leeyihiin adkaynta nabadgeliyadda iyo dawladnimadda.

Daawo: Warkaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply