Xildhibaan Bidhi Oo Baabuur Unbulance ah Ku Wareejiyay Cusbitaalka Burco

0
594

Burco (Dawan): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) ayaa maanta baabuur Unbalance ah ku wareejiyay maamuulka cusbitaalka Burco.
Baabuurkan Unbalance ka ah oo ay soo bixiyeen ururka haweenka midnimo Togdheer ee dalka UK.


Xildhibaan Bidhi, oo waraajinta Unbulance ka ka hadlayayna waxa uu yidhi,”Maanta waxaan ku wareejiyay agaasimaha cusbitaalka guud Burco Cabdi Suudi iyo Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Togdheer Dr. Adan Casayr, gaadhiigi Unbulance-ka madiina Project oo ka soo qaaday Layla Cabdilaahi, oo ah muwaadinad reer Somaliland ah oo degan Birminghan, UK.

Xildhibaan Bidhi, ayaa u mahad naqay maamulka marsadda Berbera iyo maayarka Berbera.
“Waaxan u mahad naqayaa wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo wasaaradda maaliyada iyo Guddoomiyaha Degmada Berbera Cabdishakur Cidin ,maareeyaha Dekada Berbera Siicid Xasan iyo Maareeye kuxigeenka dekada berbera Cumar Abokor iyo cid kasta gacan ka gaysatay Ambuulance-ka iyo agaabka” ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.


Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaan si gaara ugu mahadnaqaya Guddoomiyaha Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin oo gacan weyn iga siiyey ahna shakhsi u qalma halka u joogo iyo meel ka saraysa.


Geesta kale xildhibaan Bidhi, waxa uu mahad naq balaadhan u jeediyay ururka haweenka midnimo Bi5mingham UK.


Waxaanu yidhi, “Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa hablaha Midnimo Togdheer Birmingham oo nooliga soo bixiyay, waa astaan qurux badan inaad ka shaqayso hawlaha samafalka bulshada iyo caawinta goobaha jilicsan ee bulshadu waddo leedahay dadka muxsiniinta ah ee hawshaa culus ka shaqeeyeyna dhammaantood waxay sameeyeen talaabo ku dayasho mudan gaadhiganina wuxuu daboolayaa baahi ballaadhan oo dhakhtarka weyn ee burco qabey “danta guud wada jirkay dayac kaga fogaataa”.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply