La-jaan-qaad Geedi-Socodka Hayaanka Guusha ee Xisbiga Kulmiye

0
752

W/Q:- Cabdixakiin Rays

Hoggaanka Sarre ee Xisbiga Kulmiye, haatan hogaaminayaa, waa haldoor xula oo waqti-xaadirkan lagu jiro ku haboon hogaaminta dalka iyo guud ahaan qarankaba, waa hogaan waayo arag ah oo u bisil badweynta siyaasadeed ee guud ahaan dunida gaar ahaan geeska iyo gayigeena Somaliland-ba, sidoo kale waa team isla-jaan-qaaday oo hadeer si fiican iskula haysta majaraha iyo hab-maamulka xisbiga iyo xukuumadaba.

Sidoo kale waa hogaan u bisil inay hanaanka dimuqraadiga ah ku hogaamiyaan xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan dalkaba, waxaana cadayn marag-madoona u ah, diyaarinta qabsoomida Shirweynaha Xisbiga ee lagu dhawaaqay in 04 Oct 2020 oo wakhti yari inaga xigo ka qabsoomo caasimada Hargeysa, kaasi qaban-qaabadiisu haatan ka socoto dalka, halkaasi oo ay cadeeyeen in cidii han siyaasadeed oo hogaaminta xisbiga Kulmiye, lihi ay kaga loolanto, uguna tartanto sida ugu haboon. Hadaba maalmahan waxa baraha bulshada lagu arkeeyey shaqsiyaad warar aan sal iyo raad lahayn la wareegaaya, oo borobogaando iyo been abuur ka faafinaaya hogaanka Xisbiga.

Hadaba, xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayey u taalaa cida ay u dooranayaan markale inay sii hogaamiyaan talada xisbiga, taasi oo si daah-furan codka loogu tartami-doono shir-weynaha Xisbiga ee 4 Oct 2020 lagu dhawaaqay, halkaasi oo looga baahan yahay in uu ku loolamo ninkii han leh re u heelan hogaaminta xisbiga, hungurina kaga jiro.

Xisbiga hada waxa hogaamiya oo hagaaya rag xul ah oo xisbiyahana una bisil siyaasada kuwaasi oo ay hormood u yihiin.

  1. Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna Gudoomiyaha Xisbiga
  2. Wasiirka Arimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, ahna Gudoomiye Kuxigeenka 1’aad ee Xisbiga
  3. Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) oo ah Gudoomiye Ku-xigeenka 2’aad ee Xisbiga, isla markaasina ah hogaamiye fir-fircoon oo haatan u darban dardar-galinta hawlaha iyo hogaaminta Xisbiga. Iyo sidoo kale haldoor iyo siyaasiyiin kale oo culayskooda leh oo doorkooda hogaamineed ka qaata, hogaaminta xisbiga iyo qarankaba.

Guntii iyo gaba-gabadii, ninka geedi-socodka hayaanka siyaasadeed ee xisbiga la jaan-qaadi kari-waayaa, waxa u furan inuu halka uu maraayo kaga dego hayaanka turxaan li’i, balse ma haboona xanaf iyo xag-xago uu la daba ordo hogaanka Xisbiga

Alla Mahad leh

Qainkii: Cabdixakiin Rays

Email:cabdixakiinrays@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply