Maxaa Uqabsoomay Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Mudadii Uu Xilka Hayay?

0
595

Qormadan waxan kaga hadli donaa qayb ka mid ah hamigii iyo himilooyinkii usuura galay wasiirka diinta iyo awqaafta jamhuuriyadda soomaaliland ,Mudane ,Sh.Khaliil C/Laahi Axmed.

waxqabadku  wuxu ka curtay  bilawga magacaabista labadii madaxwayne ee ukala dambeeyay xukunka dalka oo ucugtay wasaaradda diinta iyo awqaafta  shakhsi  ku sifaysan kuna suntan :dadaal ,dulqaad ,dadnimo iyo daacadnimo ay dayr utahay daboolidda baahiyaha iyo dardar galinta shaqada hoostaal  wasaaradda  .

Mudadii wasiirku joogay wasaaradda wuxu ku talaabsaday waxqabad baaxad leh oo bulshadu majiiratay mahadisayna  ,waxa ka mid ah:-

  • wasiirku wuxu galiyay fikir, dadaal iyo juhdi badan siday wasaraddu uheli lahayd dhisme bilicsan oo uqalma wasaaradda, maadaama ay tahay wasaaradii diinta iyo awqaafta jsl allena waa ku guuleeyay .
  • wasiirku wuxu ku talaabsaday qotaminta qaabdhismeeka   waaxaha  wasaaraddu ka koobantahay iyo kor uqaadida shaqada .
  • wasiirku wuxu kor uqaaday madaarista quraanka iyo macalimiinta ka hawl gala yadoo wasaraddu usamaysay tababarro iyo tayayn kor loogu qaadayo aqoonta macalinka quraanka .
  • wasiirku wuxu wax ka qabtay  kuna guulaysatay soo afjaridda khilaafaad  salka ku hayay hogaanka  guddida wanaag farista iyo xumaan reebista  sanadkii 2018.
  • wasiirku wuxu u magacaabay  gobolada iyo degmoyinka  isku duwayaal  firfircoon  taas oo ka dhigtay adeega wasaaradda  diinta iyo awqaafta mid muuqata.
  • wasiirku wuxu hoos udhigay khilaafaadkii culimada udhexeeyay , islamarkaasna wuxu abuuray  jawi  Isfahan ku dhisan oo lagaga  fogaanayo khilaafaadka baahsan ee  ragaadiyay culimada dhexdeeda iyo wada shaqaynta walaalnimo.
  • Wasiirku wuxu manhaj midaysan usameeyay dhammaan madaarista qur’aanka kariimka ah ee dalka oo dhan ,arintaas oo bulshada iyo barayaasha qur’aankuba kala kulmeen
  • Wasiirku wuxu kor uqaaday xidhiidhka masaajidada dalka iyo waaxda masaajidada .

Qodobadaasi Waxay Ka Midyihiin Waxqabadka Balaadhan Ee Wasaaradda  Diinta Iyo Awqaftu  kutalaabsatay xiligan uu gadhwadeenka  ka yahay sh.khaliil.

Ugu dambayn : alle haku garab galo waxqabadka togan tusaalaha muuqda u ah waxqabadka wasiirka diinta iyo awqaafta Jsl.

Qalinkii :maxamuud cabdi yuusuf cige (tawakal)

Xidhiidh :063-4042101/065-4042101

Email:maarshaal81@gmail.com

Leave a Reply