Nuxurka Wasiirka Warfaafinta iyo Waxgaradka Deegaanka Adhi-Cadeeye

0
529

Laascanood-(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ku sugan gobolka Sool ayaa Kulan balaadhan la qaatay Madax dhaqameedka iyo Waxgaradka Laba ardaa oo Walaalo ah oo Shaqaaqo ku dhex martay Deegaanka Adhi-Cadeeye ee Gobolka Sool.

 

Wasiirka Warfaafintu ayaa ku booriyey Hal doorka Labada dhinac inay ka qayb qaataan soo afjarida shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Adhi cadeeye isla markaana ay ka shaqeeyaan Horumarinta deegaankooda.

 

Madax dhaqamadkii iyo waxgaradkii kulankaasi ka qayb galay Waxay Wasiirka ka balanqaadeen inay kala shaqaynayaan dawladda suulinta shaqaaqadii deegaankaasi ka dhacday oo ay ku tilmaameen mid nasiib daro ah.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay sidii nabad waarta looga dhalin lahaa deegaanka Adhi Cadeeye isla markaana gacmaha la isu saari lahaa dadka walaalaha ah ee shaydaanku ka dhex adeegay.

 

Waxaa Kale oo Wasiirka Warfaafintu kulan la qaatay Bulshadda rayidka ah ee deegaanka Adhi Cadeeye .

Leave a Reply