Dayuurado La Waayay, Maxaa Sababay?!

0
471

Duulimaadka Diyaaradda Tiger Line,  Flightka 739 waxa ay ahayd dayuurada uu maamulo ciidanka Militariga Maraykanka.

Dayuuradda ayaa bishii Maaris 16, sanadkii 1962 ka duushay sakdhiga ciidanka Maraykanka ee Californiya , iyadoo ku sii jiiday magaalada Saigon ee dalka Fitnam. Dayuuradda waxa la socday 93 askari oo Maraykan iyo 3 k,a tirsan ciidanka Fitnamta koonfureed.

Dayuuradda ayaa shidaal k,u degtay oo shidaal ka qaadatay saldhiga ciidanka Andersen Air Force Base, Guam. Waxaana markii ay ku duushay saldhigaasi ay ku sii jeeday jihadi uu loo qorsheeyay.

Nasiib darro dayuuraddan mar danbe warna lagama helin, meel ay ku danbaysay lama garanayo tan iyo maanta waxaana laga soo qaaday in dadkii saaraa dhamaantood ay dhinteen. Inkasta oo la sheego in dayuuradda qarax ku dhacay haddana ,ma jirto war sugan oo arinkaasi xaqiiijiniya madaama aan la hayn dayuuradda iyo hadhaageedii.

Diyaaradda kale oo ay lahayd shirkadda dayuuradaha ee “Malaysia Airlines” oo ku jirtay duulimaadkii 370 “Flight 370” oo ahaa duulimaad caalami ayaa la waayey 8dii Maaris sanadkii 2014, k,a dib markii ay ka duushay madaarka caalamiga ah ee Kuala Lumpur iyadoo ku sii jeeday meeshii loogu talo galay, oo ahayd madaarka Caalamiga ah ee Beijing.

Pilodada diyaaradda Boeing 777-200ER ayaa markii ugu dambeysay la xidhiidhay kantaroolka taraafikada hawada (ATC).Intaasi ka dibna  Diyaaradda ayaa laga waayay shaashaddii radar ee ATC daqiiqado kadib, laakiin waxaa haddana hayay radar military. Iyada radarkaasina k,a baxaday wax yar k,a dib. Dhammaan 227 rakaab ah iyo 12 shaqaalihii diyaaradda saarnaa ayaa dhamaantood ku dhintay shilkaasi. lumitaankii Duulimaadkii Diyaaradda 370 ayaa ahaa shilkii ugu xumaa ee ku dhaca Boeing 777 iyo kii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda duullimaadyada ee dalka Malaysia. Dayuuraddan iyo mid wax yar k,a horaysya oo shirkadda lahayd lahayd ayaa sababay in hoos u dhaca weyni ku yimaaddo shirkadda duulimaadyada ee dalka Malaysiya. Dayuuraddan ayaa iyadana si buuxda loo cadayn halka ay ku dhacday.

Leave a Reply