Dembiiluhu Ma Badbaado!

0
535

Taariikhda dunida waxa ka buuxo bogag ay ku xardhan yihiin magacyada kooxo iyo dad gaar ah oo shar iyo dhibaato dunida la dhex joogay. Kuwaasi sharka badan iyaga laftigooda ayaa quus iyo niyad jabku wehel u noqday. Waxay caado ka dhigteen dilka, dhiig daadinta.  Waana dad  kibir iyo islweyni awgeed falalkaasi u sameeya.

Theodore Robert Bundy oo dhashay sanadkii  1946 wuxuu ahaa dilaa Mareykan ah oo qafaashay, kufsaday, isla markaana dilay hablo iyo dumar badan laga soo bilaabo 1970.

Inkasta oo markii hore uu dafiray dilalka uu geystay haddana waxa uu qiray inuu dilay 30 qof oo uu ku kala khaarajiyay toddoba gobol intii u dhaxaysay  1974 -1978.  Waxase la sheegay in aan la aqoon tirada dhabta ah ee dhibanayaasha. Bundy  waxa uu ahaa nin aan aabihii la aqoon.

Bundy waxa uu noqday qarnigii 20aad  ninkii dilalka ugu xun geystay waxa uu si fool xun oo arxan daran qoorta uga jaray dad aan wax dhibaato ah u geysan, iyagoo qaarkoodna ay hurdeen.

Laakiin ugu danbaystii waa la qabtay,  markii uu ku cadaaday dilalka badan ee uu geystayna waxa lagu xukumay in lagu dilo kursiga laydhka ah sanadkii 1989.

Bundy ayaa sheegay in sababta dilalka uu geysan jiray ahayd isagoo iska jeclaa kana heli jiray qaylada kuwa uu qoorta ka goyanayo, iyagoon wax dhibaato ah u geysan, laakiin uu ku raaxaysan jiray dhowaaqooda.

Leave a Reply