Guddoomiyaha Baaka Dhexe oo ku Dhawaaqay Sicirka Sarifka Maalinlaha ah ee Dalka Isha Kaliya ee laga Qaadanayo

0
455

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa ku dhawaaqay  islamarkaana bulshada ugu bushaareeyay qiimaha isku badelka sarifka lacagaaha  ee dalka oo dhan, in uu yahay fariinta baanku ku soo dir telefoonada  gacanta si rasmiyana loogu wada shaqeyn doono.

Waxaanu intaas ku daray gudoomiye Baqdaadi in ay tahay guul Qaranku gaadhay oo baanka dhexe gaadhay oo uu u soo hooyay dalka.

Talaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee nooceeda ah ee baanka dhexe ee Somaliland uu ku mideeyo sarifka isku badelka lacagaha dalka oo dhan islamarkaasna baanku jaangooyo.

Guddoomiye Baqdaadi oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxaan bulshada Somaliland ugu bushaareynayaa in 12/8/2020 sicirka uu baanku soo saara ee maalinlaha ahi uu yahay ka rasmiga ah ee lagu wada shaqeyn doono, dhammaan Somaliland, shacab, sariflayaal, ganacsato, marka sicirkii aanu mobilka ku soo diri jirnay una dhaxeyn jiray sicirka bulshada, imika fariinta aanu idiinku soo dirno  moobilka ayaa rasmi noqonayaa, sidaasina waxaa aanu ku heshiiney oo aanu ku heshiinay urrurka Waddajir ee sariflayaasha iyo baananka waa weyn ee sameynta ku leh, dhaqaalaha oo aanu ka wada socono subax walba inta aanan sicirka soo saarin, aanu isku waafaqno, marka sicirkaasi ayaa noqonaya kii rasmiga ahaa ee lagu wada shaqeynaayay, waana guul uu baanka dhexe ee Somaliland gaadhay, ilaa 1994-kii markii baanka la aasaasay waa markii u horeeyay ee baanku sicirka soo saaro ILLAAHEY ayaa mahad iska leh”

Guddoomiyaha Baaka Dhexe oo ku Dhawaaqay Sicirka Sarifka Maalinlaha ah ee Dalka Isha Kaliya ee laga Qaadanayo

Leave a Reply