Wasiirka Beeraha oo Beeniyay Warqad been abuura oo laga sameeyay Wasiirka Waxbarashada dalka Jabuuti

0
628

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Beeraha Dr.Maxamed Awdahir ayaa beeniyay Warqad lagu Baahiyay Baraha Bulshada oo lagu Sheegayo in dhul laga siiyay Somaliland Wasiirka Wasaarada Waxbarashada dalka Jabuuti.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa waxa uu ku tilmamaay been aan sal iyo raadtoona lahayn Warqad ku qoran magaca Wasaarada Beeraha ee lagu Sheegayo in dhul uu ka iibsaday Somaliland Wasiirka Waxbarashada dalka Jabuuti Mustafe Maxamed Maxamuud.

Axmed Muumin Seed oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan ka hadlayaa warqad ku qoran Wasaarada Beeraha Somaliland oo aanu ku aragnay iyada oo Facebook Wareegaysa, Warqadaasi waxa ay ku Taariikhaysan tahay 21 Bishii 2aad ee Sannadka 2020 waxaana ku Saxeexan Maxamed Aw-daahir in xiligaa uu Saxeexay isagu Warqadaas. waxaana lagu eedaynayaa dhulkaas in uu iibsaday Wasiirka Waxbarashada dalka Jabuuti Mustafe Maxamed Maxamuud oo la leeyahay dhulkaas isaga ayaa iibsaday. 21-kii bisha 2aad anigaa Wasiir ka ah Wasaarada Beeraha waana been abuur Warqadaasi, Somaliland iyo Jabuuti waa labo wadan oo walaalo ah oo uu ka dhaxeeyo Xidhiidh Diblomaasiyadeed aad ayaan uga xunahay in dad isku Sheegaya Mucaarad ay been intaa leeg ka Sheegaan Wasiirka Waxbarashada Jabuuti”.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Wasaarada Beeraha Dr. Maxamed Awdaahir ayaa waxa uu Sheegay in au been abuur tahay Warqadaasi. waxaana uu yidhi “Arintaasi lagu baahiyay baraha bulshada waa been abuur waxa xilka Wasaarada Beeraha ku Wareejiyay Wasiirka Beeraha 18 Bishii Desember Sannadkii 2017, waxa aad uga xumahay in magacayga iyo sharaftayda meel lagaga dhacay oo laga been abuurtay laguna aflagaadeeyay Muwaadin reer Jabuuti ah oo maal gashaday Somaliland”.

Leave a Reply