Guddoomiyaha Gobalka Hawd oo ka hadlay Wefti ka socday Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya oo Socdaal ku yimid Dhawaan Baligubadle.

0
477

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Gobalka Hawd Axmed Cige Yare ayaa ka hadlay Waxyaanihii ay ka Wadahadleen Wefti Wasiiro ah oo ka socday Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dhawaan Socdaal ku yimid Magaalada Baligubadle.

Axmed Cige Yare oo qaar ka mida Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Sheegay in ay ka Wadahadleen Weftigaa ka Socday Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya xoojinta xidhiidhka labada Dawladood ee xaga Nabedgalyada ee Xuduudka.

Axmed Cige Yare oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa jiray Wefti ka socday dhinaca Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo socdaal ku yimid Magaalada Baligubadle, waxaanay kala ahaayeen Wasiirka Waraabka iyo Dooxooyinka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdiraxmaan Iid iyo Saddex Wasiir ku Xigeen oo ka socday Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana Weftigaasi u socdeen u kuur galida Xaalada Xuduudka aynu la Wadaagno Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. waxaana ku qiimaynay Xaalada Nabedgalyada iyo Wada Shaqaynta iyo Xidhiidhka inaga dhaxeeya Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,”.

Axmed Cige yare ayaa waxa uu Sheegay in in dadka Gobalka Hawd u heelan yihiin in Horumar sameeyaan.waxaana uu yidhi”Dadka Gobalku Hawd waxa u heelan yihiin in Horumar sameeyaan waa dad isku tiirsan gudo iyo dibad,waxana doonayaan in Gobalkooda wax ka dhigaan Horumar ayaanu hiigsanayaa Gobalka Hawd.Waxyaabaha Horumarka ee Gobalka Hawd ka hir galay waxa ka mida dhawaan waxa dhamaatay Caro kaawadii Wadada isku xidhaysa Gobalka Hawd iyo Hargeysa,”.

Sidoo kale Axmed Cige Yare ayaa waxa uu Sheegay in Roob ka da,ay dhawaan Gobalka Hawd uu Waxyeelo uu gaadhsiiyay dhismayaal ku yaala Magaalada Baligubadle.waxaana uu yidhi “Roobkaasi waxa uu burburiyay aqal Soomaaliga dadka danyarti dhistaan Iskuul Salaama la yidhaahdo oo Dumarka wax lagu bari jiray isagana jiin gadii ayuu ka qaaday,labo Guri oo kalana waxyeelo ayuu soo gaadhsiiyay,waxa kale oo waxyeelo soo gaadhsiiyay Saldhiga booliska ee Magaalada Baligubadle.

 

Leave a Reply