Taliyaha Booliska oo Sheegay in Baadhuhu Yahay Albaabka Caddaalada

0
516

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sarreeya guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa sheegay in albaabka caddaalada ee Qaranka laga gallo uu yahay Baadhaha, isla-markaana uu yahay qofka ka masuulka ah in uu keeno  wixii  Xaakinku uu  xukumayay,  caddeymihii, kiiskii iyo faylkii oo diyaarsan.

Sidoo kale waxaa uu baadhayaasha u  soo jeediyay in ay gartaan in aanay la mid aheyn dadka kale, ee caddaalada la wada daneynayo ee la sugayaa in cidda ay soo mareysa ay iyaga tahay.

Waxaanu taliyuhu sidan ka sheegay tababar dhinaca baadhista ah oo uu u  furay baadhayaal ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland .

“Horta Baadhe waa kuma? Halkan ciidanka booliska uu ugu jira waa halke? Qofka marka aad is garato adigu, ee adigu is aqoonsato ayaa yoolka laga leeyahayna aad gaadhi karrtaa, yoolka adigu aad leedahayna aad gaadhi kartaa, balse adigu hadii aad is garan weydo oo qofkuna fahmi waayo waxaa uu yahay, ujeedadii aynu dooneynay ma gaadhayno”

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeya gaas Dabagale isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Baadhe waa albaabka caddaalada ee Qarankan laga soo galo weeyaan, sababto ah caddaalada weyn cida laga rabba waa maxkamaddaha, laakiin maxkamadaha yaa wax geeya? Kiis dhisan, maxkamadaha waxaa taga kiis dhisan oo uu baadhe dhisay, oo uu qof ka dhigay, oo uulugihii u yeelay, oo uu indhihii u yeelay, oo uu gacmihii u yeelay oo halkaasi taagan, balse hadii aad gacmihii u yeeli weydo, oo lugihii u yeeli weydo, oo sida qofka u soo dhisiweydo kiiskii Xaakinku muxuu ka garanaya? Ama muxuu xukumayaa?.

Sababta loo leeyahay albaabka caddaalada weeyaan Baadhuhu waxaa weeyaan Xaakinku waxaa uu xukumayay ayaad adigu keenaysa, caddeymihii ayaad keeneysaa, kiiskii ayaad keenaysaa, faylkii oo diyaarsan ayaad keenaysaa, marka waa in aad garata in aanad booliska kale la mid aheyn, waa inaad garata in aanad qof caadiya aheyn, waa inaad garata in Qarankii oo dhan aad xanbaarsan tahay, waa  inaad garata in caddaaladii aad xanbaarsan tahay, waa inaad garata xil weyn inaad xanbaarsan tahay, caddaalada aynu daydayeyna adigay ku soo mareysa, hadii aad la kufto danbi weyn ayaad gelaysa, hadii aad garatid oo aad dhisto si caddaalada uga gungaadhidna xagga ILLAAHEY ajar ayaad ka helaysa anaguna xaggayaga waanu ku dhiirigelinaynaa”

Taliye Dabagale isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “Si aynu hadaba taasi u gaadhno qofku waa inuu aqoon leeyahay, oo aqoontii baadhista la baraa waxaa laga yaaba in aynu hore u baranay waxyaabo badan oo taasi ku saabsan, waxaa laga yaaba in aynu waayo aragnahay oo muddo badan ragg badani ku soo shaqeynayay, halkan madax baadhisyo  qaybahan Hargeysa ah iyo Badhayaal caadi ahiba waa ay fadhiyaan, tani waxaa ay noqoneysa baraarujin wax ku xusuusiyaa wixii aad taqaaney”

Geesta Kale Taliyuhu Wuxuu la dar daarmay Ciidanka Tobabarka loo furay. “Hadii meesha jooge waxna kalama tage aad noqoto ka waran, meesha jooge wax kala tage noqo, wakhti ayaad bixineysa, raggan kula joogaana wakhti ayay bixinayaan, shaqo ayaa inaga dayacantay oo aad ka timid,  kelmad kaliya oo aad fahanto ayaa ka mihiimsan waxaa aynu dooneyno oo dhan”

Leave a Reply