Gudoomiyaha Baanka Waxaan Ku Bogaadinaya Xakamaynta Sarif Bararka iyo Dhismaha Laamaha Oodwayne iyo Wajaale

0
659

Gudoomiyaha Baanka Somaliland md.Cali Ibraahim Baqdaadi, Gud/kuxigeenka md.Cumar Buux, Ag/guud md.Axmed Carwo, Guud ahaan Agaasimayaasha Waaxyaha Baanka Somaliland waxan ku Bogaadinayaa xakamaynta sarif Bararka Lacagaha qalaad ee Dollarka iyo noocyada kale oo labadii sano ee u dambeeyey saldhigay qiimaha Halka Dollar (8,500) slsh.

Sidaasi awgeed waxan leeyahay Gud.Baqdaadi waxad qabateen Hawl shacabka Somaliland iyo Qarankanba u ah waxqabad wayn oo aad ku mudan tihiin in laydinku Bogaadiyo,

Sidoo kale waxa Horumar wayn ah in Baanka DHexe ee Somaliland laamihiisa aad ku soo kordhiseen labada Degmo ee OODWAYNE IYO WAJAALE,

Xaqiiq ahaan labadaasi Degmo oo ah Xarumo Ganacsi waxay baahi wayn u qabeen Adeega Baanka Somaliland u qabto shacabka iyo Dowladaba.

Hadaba Bogaadintaa Waxqabadka iyo horumarka Baanka Dhexe Madaxdiisa aan u gudbinayo waxa ku darayaa laba qodob Talo gudbin ah.

Sdaasi darteed waxan leeyahay Madaxda Baanka Somaliland

Labadan qodob waxay ka mid yihiin waajibaadka Baanku uga masuul yahay Dowlada iyo Shacabka Somaliland.

1.Md.Gudoomiye sida ku qeexan qodobka (13) ee Dastuurka Qaranka Somaliland wuxu awooda iyo maamulka Siyaasada Lagu Hogaaminayo Bankiyada gaarka ah ee Dalka ka shaqeeya siiyey Baanka Dhexe,

Sidaasi awgeed Md.Gudoomiye Bankiyada gaarka ah Dalka ka shaqeeya ee aad siiseen Ruqsadaha Baan ahaaneed waxa waajib ku ah inay ku shaqeeyaan Lacagta Qaranka waxanan idiinsoo jeedinayaa in Bankiyada wakhtigan furan inaad ku kartarooshaan in Xisaabaha ay u furaan muwaadiniinta Somaliland ay yihiin laba xisaabood oo kala ah Somaliland shilling  iyo Dollar.

2.qodobka labaad Md.Gudoomiye waxad ogtihiin in ilaa 2016 uu xeerkii Baananka Caalamiga ah uu waxka bedel iyo kaabis uu qabyo u yahay dibna ay u celiyeen Golaha Wakiilada Somaliland sanadkii 2016,

Hadaba mudane,Gudoomiye waa in aad u howl gashaan sidii loo gudbin lahaa Xeerkaasi hadii ALLAH  idmo.

Wabilaahi Towfiiq ALLAH  mahadleh

QORE.MOWLIID AADAN CUMAR HARGAYSA

Leave a Reply