Xaaladda Goobaha Biyo Soo Saarka Barokaceyaasha Ee magaaladda Caynaba

0
588

Caynaba (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha Somaliland Axmed Cabdi Ismaaciil, oo safar shaqo ku maraya goboladda bariga dalka ayaa maanta soo kormeeray goobo ay ka biyaha ka cabaan dadka barokaceyaasha oo ku yaalla magaaladda Caynaba.

Agaasimaha waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, iyo isu-duwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Saraar.

Badhasaabka gobolka Saraar, ayaa  tilmaamay baahidda weyn ee ay dadka barokaceyaasha ah u qabaan sidii ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah oo ku filan.

Daawo: Warkaasi:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply