Agaasimaha guud ee Wasaaradda Biyaha oo Mashaariic Biyood ka dhagax-dhiggay ‘Degmada Yogoori Sool’

0
457

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha oo ku guddo jira socdaalkiisii labaad ee kormeerka iyo xaqiiiqo-raadinta ayaa gaadhay gobolka Sool

Qore. Saleeban Kalshaale

Yogoori(Dawan)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha oo todobaadkii u dambeeyey howlo shaqo ku marayey gobolada Bariga Somaliland oo ay wasaaraddu ka fulinayso mashaariic dhanka horumarinta Biyaha ah, ayaa maanta Deegaanka Guumays oo ka tirsan Degmada Yogoori ee gobolka Sool ka dhagax-dhiggay Kayd-biyood Berked ah oo loogu talogalay in Biyo macaan loogu qabto Kaam Barokacayaal oo ku yaalla Deegaankaasi.

Axmed Cabdi Ismaaciil Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha JSL, oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda biyo-balaadhinta ee Wasaaraddaasi, Maayirka Degmada Yogoori iyo saraakiil kale, ayaa dhagax-dhiggay Berkedan oo la doonayo in ay Biyo macaan ka helaan dadweynaha barokacaasha ah ee ku dhaqan kaamkaasi.

Maayirka Degmada Yogoori Iidle Xuseen Xaaji Maxamuud oo ugu horayn halkaasi ka hadlay, ayaa weftiga Agaasimaha Wasaaradda uga mahad celiyey hirgelinta mashruucan.

Maayirka ayaa sidoo kale ka waramay wada-shaqaynta Degmada iyo Agaasimaha guud “Agaasimaha guud markii koowaad ee uu noo yimaado maaha Camuud Camuud Foundation ayuu la shaqayn jiray markii hore oo Raashinbuu noo keeni jiray, xataa waxa jirtay dad naafo ah oo uu halkan ka kaxeeyey oo uu Laascaanood geeyey oo ay ilaa iyo hadda Hay’adda Camuud Foundation gacanta ku hayso,iminkana waa uga mahad-celinaynaa wasaaradda iyo isagaba”ayuu yidhi Maayirku.

Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Biyaha gobolka Sool Axmed Maxamuud Cartan oo isna munaasibada dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey mashruucan oo uu ku tilmaamay mid faa’ido weyn u leh bulshada Barakacayaasha ah ee ku dhaqan deegaanka Guumays, kuwaasoo ka faa’idaysan doona Biyaha Macaan ee Berkedan ilaa saddexda Bilood iyo dheeraad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Axmed Cabdi Ismaaciil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey mashruucan iyo ahmiyadda uu u leeyahay wax ka qabashada baahida biyood ee ka jirta deegaankaasi, waxaanu intaasi raaciyey in ay wasaaraddiisa ka go’antahay sidii ay Biyo nadiif ah oo dad iyo duunyaba anfacaya u wada gaadhsiin lahayd guud ahaan dalka, sidii yoolkaasi looga midho-dhalin lahaana ay qorshe u sameeyeen.
“Deegaankani Ceelbuu lahaa, Ceelkii wuu ka qadhaadhaaday, markaa Berkedan waxaan uga soconaa in maadaama dadkani ay Barokacayaal yihiin, tiro badan oo dhowr kun oo qoys ahina ay ku nool yihiin waxa khasab noqotay in aynu Biyo macaan u raadinno, markaa Berkadani waxa ay qayb ka tahay Biyaha macaan ee aynu u raadinayno oo dhaamamka iyo Berkadduhu waxay ka mid yihiin Siyaasadda guud ee ah in Biyo-qabatin la sameeyo”ayuu yidhi.

Agaasimaha, ayaa sidoo kale sheegay in weftigiisu qiimeyn ku samayn doono guud ahaan xaaladda Biyaha Gobolka Sool, si markaasi wixii baahiyo jira qorshaha loogu darro.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Ugu dambeyn Agasimaha guud ee horumarinta Wasaaradda Biyaha iyo weftigiisa, ayaa todobaadkan gudihiisa mashaariic tiro badan ka dhagax-dhigay Gobollada Togdheer, Sanaag iyo Badhan oo uu socdaal ku soo maray, isagoo geesta kalena u kuurgalay meelaha ay ka jiraan baahiyaha biyood ee aan hore qorshaha Wasaaradda ugu jirin, waana lugtii labaad ee Agaasimuhu intii uu jooggay wasaaradda uu gobolada dalka oo dhan kormeer ku sameeyo Ilaha Biyaha.

Leave a Reply