Golaha Guurtida Somaliland oo Warbixin ka Dhageystay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golahaasi

0
449

Hargeysa (Dawan)-Xildhibaannada Golaha Guurtida Jamhuuriyaada Somaliland ayaa warbixin ka dhageysatay guddida arrimaha bulshada ee golahaasi.

Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Axmed Daahir Jirde ayaa warbixin ku saabsan wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ka horjeediyey mudanayaasha golaha guurtida, isaga oo sheegay in ay kulan la yeesheen wasiirka, agaasiimaha guud, agaasimaha tacliinta sare iyo agaasime waaxeedyada wasaaraddaasi, isla markaana ay ka xogwareysteen marxalada waxbarasho ee dalka.

Wuxuuna xildhibaan Axmed Daahir Jirde, uu xildhibaannada golaha guurtida u sheegay in dugsiyada hoose dhexe ee dawladda tiradoodu dhan tahay sagaal boqol kow dugsi, halka dugsiyada gaarka loo leeyahay ay yihiin laba boqol iyo kow iyo sagaashan dugsi, wuxuuna intaas ku daray in dugsiyada sare ee dawladda tiradoodu tahay boqol iyo saddex dugsi, halka dugsiyada gaarka loo leeyahay ay tiradoodu tahay shan iyo sideetan dugsi, wuxuuna cadeeyey xildhibaanku in Jaamacadaha dalka tiradoodu dhan tahay todoba iyo labaatan Jaamacadood oo sideed ka mid ahi ay yihiin kuwa dawladda, iyada oo sagaal iyo tobanka kalena ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee golaha guurtidu waxa uu xusay inay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadu u sheegeen cilmi baadhis ay sameeyeen inay ku ogaadeen dugsiyada dawladda inay ka jirto isu dheeli tir-la’aan dhanka macalimiinta ah, oo ay kala badan yihiin ama kala yar yihiin dugsiga iyo macalimiintu.

Waxa kale, oo uu xildhibaan Jirde, sheegay in ay booqdeen Jaamacadda Hargeysa University iyo Jaamacadda New Generation, oo ay la kulmeen masuuliyiinta Jaamacadahaasi isla markaana ka xogwaraysteen habka ay u shaqeeyaan iyo sida ay waxbarashada u bixiyaan, wuxuuna tilmaamay in ay warbixin wanaagsan ka siiyeen qaabka ay u shaqeeyaan.

Wuxuuna xildhibaanku warbixintiisa ku soo gabogabeeyey in xannuunka Karoona Fayras uu saameyn taban ku yeeshay waxbarashada dalka guud ahaan, isaga oo soo jeediyey in qorshe guud laga yeesho sidii looga bixi laha.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply