Iskaashatada Tawfiiq oo Mucaawino Gaadhsiiyey Degmada Sallaxley

0
909

Hargeysa-(Dawan)-Agaasimaha guud ee wasaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa shan boqol oo kiish oo sibidh ah ku wareejiyey guddoomiyaha degmada Sallaxley.

Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan, ayaa sheegay in shantaa boqol ee kiish ee sibidhka ah ay soo bixiyeen iskaashatada gaadiidka ee Tawfiiq, iyaga oo kaga qayb qaadanaya dhibaatadii ka dhalaytay roobabkii khasaaraha geystay ee Sallaxley ka da’ay bishan aynu ku gudo jirno, wuxuuna agaasimuhu kula dardaarmay maamulka degmada Sallaxley in mucaawinadaas la gaadhsiiyo dadkii loogu talo ee ay saameeyeen roobokii deegaankaas ka da’ay.

 

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay xubno ka mid ah guddida horumarinta degmada Sallaxley oo u mahadceliyey masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo iskaashada gaadiidka Tawfiiq ee mucaawinadaas soo gaadhsiiyey iyo cidkasta oo gacan ka geysatay taakuleynta dhibaatadii ay roobabku ka geysteen dadka ku nool degmada Sallaxley.

 

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay  guddoomiyaha degmada Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) oo ka mahad celiyey mucaawinadaas sibidhka ah ee ay soo bixiyeen iskaashatada gaadiidka ee Tawfiiq, isla markaana uu soo gaadhsiiyey agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, wuxuuna sheegay in inta badan dadkii ay saameeyeen roobabku mucaawino la soo gaadhsiiyey, mucaawinadaas sibidhka ahna ay sidii loogu talo galay u gaadhsiin doonaan dadkii loo qorsheeyey.

Leave a Reply