Waa Sidee Xaalada Dugsiga Sheekh Ibraahin ee Magaalada Hargeysa?

0
453

Hargeysa-(Dawan)-Maamulaha dugsiga sare ee Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyey hawlo dib u habayn ah oo mudooyinkii u dambeeyey laga hirgeliyey dugsigaas.

 

Maxamed Cali Aadan maamulaha dugsiga sare ee Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf, waxa uu ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dugsigaasi oo markii hore la odhan jiray dugsiga sare ee Gacan Libaax, imkase loo bixiyey dugsiga sare ee  Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf.

 

Wuxuuna maamulaha dugsiga sare ee Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf, uu sheegay in dugsigaas ay dhigtaan in ka badan kun arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, isla markaana ay ka hawlgalaan kow iyo afartan macalin oo intooda badan ka diwaangashan wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland.

 

Waxa kale, oo uu maamulaha dugsiga sare ee Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf, uu sheegay in ardaydii dugsigaas wax ka baratay sannadihii dhawr iyo sideetankii ay dib u dhis iyo dayactir ballaadhan ku sameeyeen dugsigaas, isla markaana ay wali ka shaqeynayaan sidii ay dugsigaas u horumarin lahaayeen.

 

Wuxuuna u soo jeediyey ardaydii dugsigaas wax ka baratay mudooyinkii dambe in ay ku daydaan ururka ay ku midaysan yihiin ardaydii dugsigaas wax ka baratay wixii ka horeeyey sagaashamaadkii.

Leave a Reply