“Carruurtayadu Tv-yada ayay Daawadaan Markii Aanu Waxbarasho u Weynay”Bulshada Xaafadda Sheekh Cumar

0
646

Hargeysa (Dawan) Bulshaweynta ku nool xaafadda Sheekh Cumar ee koonfur galbeed magaalada Hargeysa, ayaa cabasho ka muujiyay waxbarasho yari ka jirta xaafadooda.
Dadkani waxaa ay sheegay in aanu u dhammeystirnayn dugsigii hoose dhexe ee xaafadaasi laheyd oo uu ku joogo fasalka todobaad, islamarkaana aanay laheyn wax dugsi sare ah.

Hooyo Caasha Cali Maxamed waxa ay heysta 7 carruura waxaa ay sheegtay in saddex ka mid ahi ay wax u bartaan balse inta kale iyaga oo gaadhay xiligii waxbarashada ay guriga u joogaan kadib markii ay awoodi wayday in ay ka bixiso fiiga iskuulka.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in wiilka ay dhashay oo fasalka todobaad ahi uu weli dhex fadhiyo kii uu wax ku baran jiray, kadib markii la waayay fasal kale oo ay wax ku bartaan taasi ay qayb ka tahay caqabadaha dhanka waxbarashada ee ka jira xaafadaasi.
Hooyo Xayaad Maxamed Axmed kana mida bulshada ku nool xaafada Sheekh Cumar waxaa ay si dareen taabasho leh u sheegtay in ay heysto gabadh yar oo kaliya balse ay ka bixin kari weyday fadhiisinkii iyo feegii iskuulka.

Hooyo Caasha Maxamuud Hoori waxaa ay tilmaamaantay in ardayda dugsiyada sare gashay ee xaafadaasi markii loo waayay lacagtii baska ay ku raaci lahaayeen in ay guryaha iska dhex joogaan

Aabo Cabdikariin Xuseen Iidle waxaa uu xusay in ubadkooda markii ay u waayeen awood dhaqaale oo ay gaadiidka dadweynaha ku saaraan in ay iska daawadaan Tv-yada iyaga oo maararow ka dhiganaya.

Halkan ka Daawo

 

 

Leave a Reply