Somaliland: Wareegto laga soo saaray Saacadaha Shaqada ee Hay’addaha Dawladda

0
594

Hargeysa (Dawan)-Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa wareegto ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay kormeer ku sameyn doonaan ilaalinta saacadaha shaqada ee qaranka.

Wareegtadaas oo ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalnka musuq-maasuqa Jamhuuriyadda Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka ee Mareegta Dawan, ayaa u dhignaa sidan:-

Komishanka maamul wanaagu waxa uu qaranka ugu xilsaaran yahay ilaalinta iyo qiimeynta nidaamka muumul ee hay’adaha dawladda iyo ka soo talo bixinta hanaanka lagu toosinayo, sidoo kale wareegtadaas waxa lagu sheegay komishanku isaga oo fulinaya waajibaadkiisa ku xusan xeerka Aasaaska ee xeer lambar 58/2012 qodobkiisa 6aad farqadiisa 9aad waxa uu bilaabayaa kormeer iyo qiimeyn saacadaha shaqada ah, sida ku cad farqada 4aad ee xeerka komishanka maamul wanaaga, taas oo uu ugu kuurgalayo shaqaalaha dawladda ee joogtada ah iyo kuwa aan joogtada ahayn, iyada oo lagu kormeerayo sida ay u gudanayaan waajibaakooda shaqo ee saaran iyo sida ay ugu adeegayaan bulshada saacadihii loo qoondeeyey.

Sidaa darteed dhamaan cida ay ku socoto wareegtadaasi waxa ku waajib ah in ay ilaaliyaan wakhtiga shaqada una gutaan sida xeerku sheegayo, isaga oo komishanku qiimeyntaas uu sameynayo u gudanaaya sida ugu haboon kana soo saari doona warbixin la xidhiidha cidda qaranka ugu shaqeysa wakhtigii loo qoondeeyey iyo cida aan ugu shaqeyn laguna samayn doono qiimeyn heer sare ah oo la taaban karo, isla markaana lagula xisaabtami doono sida ku cad xeerka komishanka maamul wanaaga.

Leave a Reply