Nin Codsaday In Noloshiisa Uu Xabsiga Ku Dhamaysto!

0
560

Joseph Ligon oo  dalka Maraykanka u dhashay ayaa 63 sano ka hor la xidhay isagoo deganaa Philadelphia ka dib markii lagu eedeeyay inuu dilay laba nin.

Joseph Ligon oo wakhtigaasi da’diisu ahayd 16 ayaa diiday inuu falkaasi geystay laakiin markii lagu helay denbiga waxa lagu xukumay xabsi daa’in aan cafis iyo saamaxaad lahayn.

Laakiin Sharciga Maraykanka ayaa dhigaya in qofku marka uu 50 sano ku jiro jeelka dib loo eego xukunkiisa, loona bandhigo gudiga cafiska, laakiin gudida cafiska loo gudbiyay iyaguna waxa ay isu dhaafiyeen maxkamadda sare taasi oo cafis u fidisay iyo in xabsiga laga sii daayo.

Maxkamadda sare ayaa soo saartay in ninkan odayga ah la sii daayo, laakiin waxa yaab noqotay in Joseph Ligon uu diiday inuu jeelka ka baxo isagoo sheegay in noloshiisa inta u badan uu halkan ku qaatay oo aanu garanyan meel uu tago. Wakhtigan Joseph Ligon waa 79 sano, waxaana uu ku jira da’ aanu waxba qabsan karin.Sawiradiisa iyo sida ay isu bedelayeen ayaa mid kasta lagu soo bandhigay wargeyska dailymail oo dhacdadan soo gudbiyay.

Leave a Reply