Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tecnoolajiyada Somaliland ayaa Daahfurtay Qalabka Maamulka Hirarka Isgaadhsiinta

0
555

Hargeysa (Dawan) Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda isgaadhsiinta iyo tecnoolajiyada ayaa lagu daahfuray qalabka la socodka hirarka isgaadhsiinta ooo markii u horeysay Somaliland laga hirgeliyay.

Qalabkan ayaa meesha ka saaraya shaki badan oo dadweynuhu ka qabbeen waxyeelo ka timaada Taawarada, islamarkaana lagula soconaya shuucaaca Taawaradu sii daayaan, iyo signalada isgaadhsiinta.

Waxaana daahfuray qalabkani wasiirka wasaaradda teknoolajiyada iyo isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdil Cali Suufi (Jibriil).

Waxaana munaasibadani ka soo qayb galay, xubno ka mida golaha wasiiradda, xildhibaano, iyo marti sharaf kale.

Goor dhaw filo faahfaahinta warkan

Leave a Reply