Guddoomiyaha UCID Oo DFS Ku Eedeeyay Farrogelin ay Ku Hayso Somaliland

0
443

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen, ayaa eedeeyay Soomaaliya in ay ku mashuulsan yihiin sidii ay u wiiqi lahaayeen qarannimadda iyo dswladnimadda jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu sheegay in jabhad dhawaan lagaga dhawaaqay degmadda Buuhoodle ay dabadda ka riixayso dawladda Muqdisho.
Guddoomiyaha UCID waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay munaasibad loo qabtay dufcadii 17aad ee ka qalin jebiyay jaamacadda Hargaysa.
Geesta kale Eng. Faysal, ayaa amaanay ciidamadda amaanka Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay buuxiyeen kaalintoodii ilaalinta nabadgeliyadda.

Daawo: Khudbadii Eng. Faysal:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply