Mishiinka Lagu Baadho Coronavirus Oo La Gaadhsiiyay Cusbitaalka Laascaanood

0
481

Laascaanood (Dawan): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood ka daah-furtay Mishiinka lagu baadho xanuunka Covid-19.
Waxaana Mishiinkaasi si rasmiya xadhiga uga jaray wasiiarrada arrimaha dibadda, warfaafinta ee Somaliland, isuduwaha wasaaraddà caafimaadka ee Sool.


Badhasaabka gobolka Sool, agaasimaha cusbitaalka Laascaanood iyo masuuliyiin kale.
Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay Miishankan lagu baadhayo caabuqa Coronavirus ee la soo gaadhsiiyay cusbitaalka Laascaanood.
Waxaanu bogaadiyay in gobolka Sool uu hello Mishiinkan lagu baadhi xanuunka Covid-19.

Halkan Ka Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta:

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply