Hargaysa: Noocyadda Agabka Lagu Laydiyo Xarunta Saryan Museum

0
569

Hargaysa (Dawan): “Hawl qof qabto, oo Hargaysa gudaheeda ama Somaliland laga qabto oo taariikhda ku sun-tannaata, kuwa ugu qiimaha badan mid ka mida ayuu inoo sameeyay Siciid Shukri”.
Sidaasi waxaa yidhi la taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo maanta booqday xarunta lagu kaydiyo agabka dhaqankii hore ee Somaliland Aataarta qadiimiga ah ee Saryan Museum ee magaaladda Hargaysa.


Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey C/laahi Cukuse, aasaasaha xarunta Saryan Museum Siciid Shukri, oo u sharaxay qaybaha iyo noocyadda agabka hidaha iyo dhaqanka ah ee ay xarunta Saryan ku kaydiyaan.
La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka ayaa ku bogaadiyay aasaasaha Saryan Museum kaydka dhaqan ee qiimaha leh ee uu bulshadiisa u sameeyay.
Geesta kale C/laahi Cukuse, ayaa ugu baaqay warbaahinta Somaliland in ay kaalintoodda ka qaataan sidii ay ummada ugu soo bandhigi lahaayeen kaydka yaalla xaruntaasi.
Wacaanu ydih, “Saxaafadana waxaan u sheegaya in ay bal maalin yimaadaan Saryan Museum”.

Daawo: Warkaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply