Xildhibaan Maxamed Jaamac oo sheegay in aanay golaha ka bixin mudaneyaasha Sool iyo Sanaag

0
855

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo kamida mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolada Sool, Sanaag iyo qayb ahaan Gobolka Togdheer, ayaa sheegay in wadahadallo u socdaan iyaga iyo Asxaabta qaranka, wadahadalladaasoo ku saabsan arrinta saami-qaybsiga Golaha Wakiillada, waxaanu intaasi ku daray in aan mudaneyaasha goboladaasi ka bixin fadhiyada golaha.

Xildhibaanka oo daba socda guddi uu guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilladu u saaray xildhibaannada gobolka Awdal oo ka baxay fadhigii golaha, iyagoo tabasho ka qaba arrinta saami-qaybsiga, ayaa tilmaamay in cida golaha ka maqani ay tahay xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka Guddoomiye ku-xigeenka Golahaasi oo uu weheliya hal xildhibaan ka soo jeeda Bariga Sanaag.

Garyaqaan Jaamac, waxa kale oo cadeeyey in mowqifka saami-qaybsiga ee gobolada laga soo doortay uu yahay in la siiyo 12-kii Kursi ee ay ku lahaayeen Baarlamankii lixdankii, maadaama buu yidhi lagu saleeyey saamiga kuraasida gobolada qaabkii 1960-kii.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply