Jarmalka: Arday Reer Somaliland ah oo Qalin Jebiyay iyo Safiirka oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay

0
610

Berlin(Dawan):- Arday reer Somaliland oo ku dhaqan dalka Jarmalka,ayaa ka qalin jebiyay waxbarasho  ay soo dhiganayeen muddo sadex sano ah.

Tirada  guud ee ardayda qalin jebisya ayaa dhan   15 arday oo bartay xirfado kala duwan oo kala ah Engineering, Medical Nurses and Business.

Ardayda qalin jebiyay ayaa waxaa munaasibad shahaadooyin guddoonsiiyay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jarmalka Danjire Mustafe Yuusuf Ismaaciil.

Danjiraha Somaliland u jooga dalka Jarmalka Mustafe Yuusuf Ismaaciil,ayaa ardayda ku bogaadiyay waxbarada ay dhammaysteen taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay guul ay naftooda iyo dalkoodaba usoo hooyeen isla markaana ay wax ku qabsan karaan dadkooda iyo dalkoodana ay ku anfici karaan.

Xoghayaha safaaradda Somaliland ee dalka Jarmalka Maxamed Xuseen oo warkan soo gaadhsiiyay wargeyska Dawan,ayaa dhankiisa bogaadiyay ardayda waxbarashada kala duwan dhammaystay,waxaanu ku baraarujiyay dhallinyarada Somaliland eek u dhaqan dalkaas in ay xilliga ka faa,iidaystaan oo ay waxbartaan taasoo uu sheegay in ay tahay aqoonta ay bartaan oo keliya in ay ku dhex geli karaan dalka ay joogaan kana muuqan  karaan.

Taa bedelkeedana waxaa uu iftiimiyya cid kasta oo wax baran waydaa in ay nolosha ka dhacayso oo ay noqonayso dadka ugu nolosha hooseeya ee qashinka loo diro.

Danjire Mustafe oo ka hadlayay ardayda qalin jebiysya munaasibad uu u sameeyay oo uu shahaadiiyin ku guddoonsiinayya,ayaa yidhi. “Ardayda qalin jebisay ayaa  udhabar adaygay muddo seddex sanno ah inay bartaan xirfad ay ku shaqaysan karaan isla markaana ay ku dhex geli karaan suuqa shaqada ee wadankan, maadaama oo ay yartay inta usamirtay inay aqoon ama xirfad bartaan iyada oo waddanka lagu isticmaalo maandooriyeyaal kala duwan oo ragaadiyey dhalinyarro badan oo Soomaali iyo ajaanib kaleba ah kuwaasi oo qaarkood nolosha waddanku aad ugu adkaatay.”

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “ka Jaalliyad ahaan waxaanu usamaynaynaa xaflad kooban oo dhiiri gelin ah oo aanu ku maamuusayno in ay dadaaleen si ay ugu dhiiradaan dhallinyarada wali fursadda haysta ee aan jaaniska ka faa,iidaysan.

ardaygu marka uu xirfadahan oo kale barto waddanka tixgalin fiican ayuu ku yeeshaa waxaanu haystaa laba jaanis oo kala ah  in uu aqoontiisa sii wado iyo inuu ku shaqaysto xirfadda uu bartay oo dhaqaale fiican uu ku heli karo.”

 

Leave a Reply