Wasaarada Hawlaha Guud oo Bilowday Wajigii labaad ee Master Plan-ka. Gabilay.

0
519

Qore:Faysal. Axmed Kaarshe

Hargeysa(Dawan):-Wasaarada  Hawlaha guud  Dhulka   iyo Guriyaynta  Somaliland  ayaa   bilowday wajigii labaad ee Master Palan-ka. Magaalada Gabilay, kaas laga jari doono dhulka danta guud.

Wasiirka  Wasaarada Hawlaha guud iyo Guriyaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo Maayarka Magaalda Gabilay oo shalay kulan ku yeeshay Xarunta  Dawladda  hoose  ee Magaalada  Gabilay  ayaa waxa ay sheegeen  in la bilaabay Diwaangalinta danta guud ee  laga jarayo meelaha ay hore u mareen Mastar balanka Magaalada Gabilay.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud  Dhulka iyo Guriyaynta  Cabdirashiid  Ducaale Qambi ayaa waxa uu sheegay in hal Kiiloo Mitir laga gooyay Magaalada Gabilay dhinac kasta.waxaana uu yidhi”Madaama oo Degmada Gabilay loo sameeyay master balankii Magaalada kaas oo  Magaalada koonaheeda dhinac kasta Hal Kiiloo Mitir ka Shisheeya oo laga gooyo dantii guud,taas  oo aanu  ka  codsanayno Dadweynaha Gobilay inay  nagala  shaqeeyaan  wixii laga bilaabo Toddobaadkan aynu ku jirnana hawlaha ayaa la  socodsiin doonaa  dhulkaa la qorsheeyay   inta master balanku maray,”.

Sidoo  kale  Maayarka  Magaalada Gabilay Maxamed  Aamiin  Cumar Cabdi ayaa waxa uu sheegay in  muddo uu soo qaatay master balanka Magaalada Gabilay.waxaanu yidhi”Master  Balanka loo samaynayay  Magaalada  Gabilay  waxa uu  soo qaatay  muddo waxaanan iska kaashanay  fulintiisa  Wasaarada Hawlaha  guud,waxaana wajigii  Koowaad la fuliyay Sannadkii   2019 iyo Maanta Shalay oo aynu  ku gudo jirno  Sannadka 2020   oo  wajigii  ugu  dambeeyay  la fulin doono,waxaanu  noqon doonaa   wajiga labaad   Beerihii la qorsheeyay  iyo Dantii guud ee Sharcigu ku waajibiyay oo muhiim u ah Dawladda iyo  Shacabka in aanu ka tagno dhulkii Gabilay oo qorshaysan ayaa Sharaf noo ah,”.

 

Leave a Reply